Dhaqtar lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

0
Sunday February 24, 2019 - 20:36:49 in Wararka by
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqtar lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

    Rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay haleeshay mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgal Ex Isbitaalkii hore ee Digfeer oo hadda lagu magacaabo Ordugan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay haleeshay mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgal Ex Isbitaalkii hore ee Digfeer oo hadda lagu magacaabo Ordugan

Dhaqtarka oo lagu magacaabo Dr. Cabdi Xaliim ayaa la sheegay in ay rasaastu haleeshay xili uu watay gaarigiisa meel aan ka fogeyn Isgoyska Zoobe, waxaana markii danbe dhaawaciisa la dhigay isla isbitaalka uu ka howlgalo Ordugan.

 

Dhaqtarka ayaa la dhigay qeybta qaliinka ee isbitaalka Erdogan, lama oga in la qabtay iyo in kale ciidanka rasaasta furay, mana jiro war ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga.

Dad ka agdhawaaan goobta ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawaca gaaray Dhaqtarka uu ka dhashay rasaas ay wadadda ku furanayeen ciidamada dowladda kaddib markii ay gaadiid badan isku xireen, waxayna rasaastu ka haleeshay garabka xili uu saarnaa gaari uu watay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip