Madaxweynihii hore ee Galmudug oo si kulul uga ka hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

0
Friday February 22, 2019 - 23:32:17 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Galmudug oo si kulul uga ka hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

    Iyada oo weli ay taagan tahay xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa si kulul uga hadlay Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray. Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xusee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada oo weli ay taagan tahay xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa si kulul uga hadlay Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray. Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed marna Wasiir ka soo noqday Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah dadka sida kulul uga hadlay xiisadaas iyo jawaabtii dowladda Federaalka siisay Kenya.

Cabdi Kariin Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku taageeray jawaabtii dowladda Federaalka ka bixisay Go’aankii Kenya,waxana uu farrin u diray Madaxda dowladda Federaalka.

Waxaan shaki ku jirin in jawaabtii ay dowladda Soomaaliya ka bixisay murankii diblumaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya ay ahayd mid munaasib ah, lana jaanqaadayey dareenka Shacabka Soomaaliyeed, waxaase mooda inaysan dowladda kenya ku qancin culeysna ku saareyso in wadahadal lagu xaliyo muranka xuduud badeed ee inagala dhaxeeya ayuu yiri Guuleed.”

Sidoo kale Cabdi Kariin Guuleed ayaa dowladda uga digay inaysan u nuglaanin,isla markaana ay lugaha la gelin bohol uu sheegay inay Kenya la raadineyso si ay u xalaaleysato Dhulka Soomaaliya.

Hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowladda Kenya jawaabbtii ay ka bixisay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa siwadajir ah u taageeray Siyaasiyiinta mucaaradka iyo badi Shacabka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip