Dhalinyaro dibadbax ka dhigtay magaalada Diri-Dhabe
Banaanbax ayaa maanta waxaa uu ka dhacay xaafadda Dhuuroo-keela oo kamid ah magaalada Diridhabe.
Banaanbaxan ayaa waxaa soo abaabulay dhalinyaro iskood isu soo abaabulay oo kamid ah dhalinyarta Soomaaliyeed ee deggan magaalada Diridhabe.
Haddaba banaanbaxan ayay dhalinyartu ku dalbanayeen in xoriyadiisii loo soo celiyo Cismaan Mire oo ahaa nin dhalinyaro ah oo u dooda xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee dega dhulka ay ku muransan yihiin Soomaalida iyo Canfarta.
Cismaan Mire ayaa la xiray xilliyadii ay dhibaatadu ka jirtay dhulka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ilaa iyo haddana wuu xidhan yahay.
Dhalinyaro dibadbax ka dhigtay magaalada Diri-Dhabe
Banaanbax ayaa maanta waxaa uu ka dhacay xaafadda Dhuuroo-keela oo kamid ah magaalada Diridhabe. Banaanbaxan ayaa waxaa soo abaabulay dhalinyaro iskood isu soo abaabulay oo kamid ah dhalinyarta Soomaaliyeed ee deggan magaalada Diridhabe. Haddaba