Shabaab iyo Daacish oo mar kale dagaal xooggan ku dhex maray Gobolka Bari

0
Friday February 22, 2019 - 22:40:16 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab iyo Daacish oo mar kale dagaal xooggan ku dhex maray Gobolka Bari

    Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay Tuulada Afgaraar oo hoostagta deegaanka Dhaadaar ee Gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay Tuulada Afgaraar oo hoostagta deegaanka Dhaadaar ee Gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu labo jeer ka kala dhacay deegaankaas, dagaalka hore ayaa dhacay saaka aroortii, halka dagaalka labaadna uu dhacay salaadii jimcaha kaddib, kaasoo soo gaaray illaa maqribkii.

Lama oga illaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana la sheegayaa in labada dhinac uu soo kala gaaray dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiradooda la ogeyn.



Saraakiisha Maamulka Puntland oo warbaahinta wax ka weydiisay dagaalka ayaa sheegay inay maqleen dagaalka ka socda deegaanada buuraleyda, ayna ciidamo u dirayaan deegaanada xiisadaha dagaal ka jirto oo magaalada Boosaaso dhanka Bari ka xiga illaa 80KM.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa isku haya gacan ku heynta Buuraleyda Gobolka Bari, waxaana dhowr jeer ay ku dagaalameen deegaanada buuraleyda gobolkaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip