Al-Shabaab oo odayaal gaaraya ilaa 18- oday ku xiray Koofurta Gobalka Mudug.

0
Friday February 22, 2019 - 21:45:48 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo odayaal gaaraya ilaa 18- oday ku xiray Koofurta Gobalka Mudug.

    Muqdisho:-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay in odayaal ay ku xireen Koofurta Gobolka Mudug ee Dhanka Maamulka Galmudug. Deegaanada Shabaabka lagu xiray ayaa waxay hoostagaan Warshubo iyo tuulooyinka kale, waxayna Odayaasha la xiray ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay in odayaal ay ku xireen Koofurta Gobolka Mudug ee Dhanka Maamulka Galmudug. Deegaanada Shabaabka lagu xiray ayaa waxay hoostagaan Warshubo iyo tuulooyinka kale, waxayna Odayaasha la xiray ay gaarayaan 18 Oday oo ah kuwa deegaanka Warshubo ee Gobolka Mudug si aad ah loogu yaqaano , sida dad goob-joogayaal ah ay sheegayaan. Wararka awaxay sheegayaan in Sababta loo xiray Odayaasha ay tahay kadib markii ay ka biyo diideen Amar uga yimid Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Amarka Al-Shabaab ayaa ahaa in Odayaasha Deegaanka ay keenaan Dhalinyaro ka barbar dagaalanta Al-Shabaab oo ah kuwa degaanka,iyadoo Odayaasha la xiray ay ka soo horjeesteen Amarka Al-Shabaab.

Dhanka kale maalmo ka hor ayay ahayd markii Al-Shabaab ay odayaal ku xireen deegaano ay ka mid yihiin Xiindheere iyo Ceel garaas oo dhamaantood hoostaga degmada Ceel Buur ee Gobalka Galgaduud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip