Somaliland : Digniin laga soo saaray xaalad nolol xumo oo ay wajayaaan dad gaaraya 725,000

0
Friday February 22, 2019 - 20:34:45 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland : Digniin laga soo saaray xaalad nolol xumo oo ay wajayaaan dad gaaraya 725,000

    Roob yaraanta ka jirta Somaliland ayaa sii xumeysay nolasha dadka gaaraya 725,000 oo u baahan xiligan in ay helaan gargar deg deg ah sida laga soo xigtay hay'adda NRC. Agaasimaha hay'adda Victor Moses ayaa sheegay in xiligan la joogo waq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roob yaraanta ka jirta Somaliland ayaa sii xumeysay nolasha dadka gaaraya 725,000 oo u baahan xiligan in ay helaan gargar deg deg ah sida laga soo xigtay hay'adda NRC. Agaasimaha hay'adda Victor Moses ayaa sheegay in xiligan la joogo waqtigii wax qabashada oo ay u baahnaayeen in dadkan loo gurmado, waxaana uu intaa ku darray in xaaladu ka sii dari doonto haddii aan la helin gargaar deg deg ah.

 

 

Wuxuu sheegay in dhibaatada ugu darran cida wajaheysaa yihin haween iyo carruur oo markii hore sida uu hadalka u dhigay daalaa dhacayay roob la’aanta, kuwaa oo xitaa aan rajo ka qabin bilaha soo socda in roobab la helo.

Victor Muses waxa uu caalamka ugu baaqayaa in 1.8 bilyan oo doollar la helo si dhibaatada looga hor-tago.

Haddii aan taageeradan la helin, waxaa uu sheegay madaxa hay’adda qaxootiga ee Norway in uu qasaare nafeed iyo mid dhaqaaleba imaanayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip