Dhageyso:-Ciidamo Cusub oo lagu wareejiyay Amniga Muqdisho+Sawirro

0
Friday February 22, 2019 - 20:28:29 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Ciidamo Cusub oo lagu wareejiyay Amniga Muqdisho+Sawirro

    Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ciidamo cusub oo boolis ah geeyeen Saldhigyada degmooyinka Gobolkan Banaadir. Ciidamadaas ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga degmooyinka Gobolka Banaadir,sid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ciidamo cusub oo boolis ah geeyeen Saldhigyada degmooyinka Gobolkan Banaadir. Ciidamadaas ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga degmooyinka Gobolka Banaadir,sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadaan Booliska ah ayaa dhawaan soo dhameystay tababar lagu siiyay Dugsiga tababarada Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho,waxaana saldhigyadii ugu horeeyay ee la geeyay ka mid ah degmooyinka Wadajir iyo Kaaraan ee Magalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Cabdi Fitaax Xaaji Nuur ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ka maamul ahaan garab taagan yihiin,waxana uu ugu mahada celiyay Madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegay inay ciidanka kusoo biiriyeen dhalinyaro wax baratay.

Waxa uu ciidamadaas kula dardaarmay inay siweyn uga qeyb qataan sugida amniga,waxaana uu rajo wanagsan ka muujiyay inay wax weyn ka bedeli doonaan amniga degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi ayaa isna soo dhaweeyay ciidamadaas booliska ah ee la geeyay degmada Wadajir,waxaana uu ka dalbaday inay dhankooda qeyb weyn ka qaataan sugida amniga degmada Wadajir.

Degmooyinka kale ee Gobolkan Banaadir ayaa si lamid ah waxaa la qorsheeyay in la geeyo Ciidamadaas,waxana xusid mudan in degmooyinka Gobolkan Banaadir ay mar walba ka dhacaan falal isugu jira qarax, dil iyo waxyaabo kale oo lidi ku ah amniga,hayeeshee aan la ogeyn waxa ay ka bedeli karaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Kaaraan.

Audio Player

XIGASHORADIORISAALA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip