Arsene Wenger: Waa guuldarro in Arsenal fasaxday Aaron Ramsey

0
Monday February 18, 2019 - 19:37:19 in Wararka by
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger: Waa guuldarro in Arsenal fasaxday Aaron Ramsey

    Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay markii ugu horeysay u wareegista Aaron Ramsey kooxda Juventus, isagoo sheegay inay taas guuldarro weyn u tahay Gunners. Wuxuu sheegay in ay adag tahay in la helo waqtigaan ciyaaryahan qadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay markii ugu horeysay u wareegista Aaron Ramsey kooxda Juventus, isagoo sheegay inay taas guuldarro weyn u tahay Gunners. Wuxuu sheegay in ay adag tahay in la helo waqtigaan ciyaaryahan qadka dhexe ka ciyaari kara oo awood u leh maamulka kubadaha.

Wenger ayaa ka hadlay arintaan wuxuu markasta u arkayaa mid ay ku qaldan yihiin mamaulka Arsenal inay sameeyaan.

Ramsey ayaa ku dhawaaqay inuu go’aansaday u dhaqaaqista kooxda ka dhisan Turin isbuucii hore, isagoo sheegay inuu hore ula saxiixday heshiis uu ugu biirayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Wales ayaa u sheegay saxaafada, "Sida aad hore u maqasheen, waxaan ogolaaday heshiis horudhac ah oo aan ugu biirayo kooxda kubada cagta Juventus, waxaan doonayaa in aan soo afjaro muddo 11 sanno ah oo aan kusugnaa Arsenal.

"Waad ku mahadsantihiin, waxaan sii wadi doonaa taageerada100% ah oo ana siinayo kooxda, waxaan rajeynayaa inaan dhameysto xilli ciyaareedkaan kadibna aan tago Turin” ayuu sii raaciyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip