FAALLO: Qabyaalada iyo is kooxeysiga Madaxda Dalka oo Halis ku ah Rajada Soomaalida.

0
Thursday January 28, 2016 - 19:41:29 in Maqaallo by
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO: Qabyaalada iyo is kooxeysiga Madaxda Dalka oo Halis ku ah Rajada Soomaalida.

    16-kii Janaayo Magaalada Kismaayo waxa fashil ku soo dhamaaday Shirka Madasha wada tashiga qaran ee ujeedkiisu ahaa nooca doorasho ee dalka lagu qabanayo bartamaha sanadkan 2016- ka kaas oo ay ka qayb galeen Madaxda Dowlada Federaalka iyo Hogaamiyaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

16-kii Janaayo Magaalada Kismaayo waxa fashil ku soo dhamaaday Shirka Madasha wada tashiga qaran ee ujeedkiisu ahaa nooca doorasho ee dalka lagu qabanayo bartamaha sanadkan 2016- ka kaas oo ay ka qayb galeen Madaxda Dowlada Federaalka iyo Hogaamiyaasha Maamulada Dalka. Dadka Soomaaliyeed oo mudo ku dhax jiray dagaalo sokeeye oo layaab ku noqday Shirkii Kismaayo iyo sida madaxda ay isku fahmi waayeen ayaa hadana markale waxa dhagahooda ku dhibcay in wax natiija ah ka soo bixin Shirkii Muqdisho ee madasha wada tashiga qaran.

Inta Shirka uu ka socday wax yaabaha la yaabka noqday ayaaa ah in ay is afgaaraan Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cabdiwali Cali Gaas Madaxwaynaha Puntland, taasna waxa ay keentay in shirka uu sii socon waayo.

Gaas ayaa ka sheegay Shirka Muqdisho in Madaxda Dowlada warbaahinta ay u sheegeen wax yar uun ka dib gabagabadii Shirkii Fashilka ku soo dhamaaday ee Kismaayo in Natiijo ay ka soo baxeen Shirka Maamuladuna ay aqbaleen, waxa uuna xusay Cabdiwali Gaas in Muqdisho aysan u imaan ka qayb galka Shirka.

Madaxda dowlada Federaalka iyo Maamulada ayaa kala qaba fakaradaha kala ah in doorashadu ay ku dhacdo hab degaan iyo in loo maro dhabihii hore ee awood qaybiga 4.5, hadaba labadan hab ma yihiin kuwo ay ka wada go’do mira dhalkeeda dhinacyada is haya waa su’aal iswaydiin mudan.

Dadka caqliga u saaxiib ah ayaa wax lala yaaba ku sheegaya in suurtagal aysan ahayn in xildhibaano u soo shaqo tagay Muqdisho aysan oo xuli Karin Xildhibaanada bedeli doona kuwa hada jira taas oo aan wali wax jawaab ah loo helin marka loo eego habka 4.5

Doodaha ku saabsan habka degaanka waxa jira su’aal badan oo dabar ku xiran oo ah Maamulada ku doodaya in degaan lagu soo xulo xildhibaanada waa maxay halka gacanta ugu jirta meelaha qaar waxay gacanta ugu jirtaa Al Shabaab, dhanka Puntland marka laga hadlayo dagaal ayaa ku furan degaanada qaar kaas oo kaga imaanaya dhigooda Somaliland.

Taas waxa dhinac socda in Qabiilada qaar aysanba la dhacsanayn Maamulada qaar ee dhismay taas oo noqonaysa culayska kale ee ka imaanaya habka wax loo marayo, waxana dhabaha u sii furi kartaa in xaaladu sii murjiso.

Waa hubaal haddii aysan Siyaasiyiinta Dowladda Faderaalka iyo Madaxda Maamul-gobaleedyadda isla jaan qaadi waayaan inaysan jiri karin Hiigsi Cusub oo ku aadan Tadawarka Dowladnimadda iyo Hiigsiga Doorashooyinka Qaranka.

Kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Wada-tashiga Qaranka ee lagu qabtay magaalladda Muqdisho ayaana laga dareemi karaa inay Hoggaamiyayaasha ka caga-jiidayeen inay Isfaham Dhab ah ka qaataan Nidaamka Doorasho ee dalka ka dhici karta bisha September ee sannadkan.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaal xoogan oo ay ku donayso in ay ku xaliso xaalada hada taagan waxana Ururada Midowga Yurub iyo Africa aay wadaan qorshe ka dhan ah Xasan Sheekh Maxamuud oo la rabo in lagu cadaadiyo ama inuu is casilo ama in uu ka laabto musharaxnimadiisa 2016.

Waxa mugdi uu ku jiraa mustaqbalka Soomaaliya waxana in la tilmaamo ay mudan tahay in ay jirta dhibaato kale oo dalka ka taagan taasoo ah in Soomaaliya ay galeyso xaalad kala guur ah ayna adkaan doonto si loo maareeyo hadii aysan Madaxda Soomaalida isla fahmin jawi dagan.

Waxaana ku talin lahaa in Dowlada hada jirto waqti kooban loogu darro islamarkaana la dhameeyo meelaha dul duleelada ay ka jiraan.

Caalim_finland

W/Q Maxamed Maxamuud Caalim.

Aqoon-yahan falanqeeya Arimaha Siyaasada Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip