Dowlada Xasan Sheekh oo ku wareersan sidey ku xalin laheyd sedex mushkilad oo xiligaan hortaagan!!{FAALLO}

0
Thursday January 28, 2016 - 19:11:55 in Maqaallo by
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Xasan Sheekh oo ku wareersan sidey ku xalin laheyd sedex mushkilad oo xiligaan hortaagan!!{FAALLO}

    Dowlada Faderaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wareersan sidii ay xalin lahayd sedex mushkilad oo xiligaan taagan kuwasoo midkoodna aan laga tagi karin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Faderaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wareersan sidii ay xalin lahayd sedex mushkilad oo xiligaan taagan kuwasoo midkoodna aan laga tagi karin. Sedexda Mushkilad mid ka mid ah Dowladu wayba iska indha tirstay iyadooay muhiim tahay laakiin labada kale way daneyneysaa inay xaliso.

Sedexda Mushkilad hadii aan idin soo gudbino waxay kala yihiin sidan:-

1-Maamul Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.dhexe

2-Shirka Madasha wada-tashiga Qaran ee higsiga 2016

3-wax ka qabashada Duqeymaha Kenya ku heyso shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubooyinka iyo Geddo.

Dowlada Xasan sheekh waxaa wal wal ku heya sidii shirka Jowhar guuul looga gaari lahaa iyo sidii shirka wada-tashiga ay siyaasad ahaan ay uga guuleysan lahaayeen maamulada Puntland iyo Jubaland oo ku dhagan hab deegaan halka Dowaduna rabto nidaamka qabiil wax ku qeybsiga.

Sidoo kale Dowlada waxaa hortaal cadaadis bulshada iyo baarlamaanka ka imaanaya kaasoo ah sidii Kenyaatiga looga hor istaagi laha xasuuqa ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku hayaan.

Waxaa iska cad in Xasan Sheekh iyo Dowlada uu horkacayaba ay ku wareersan yihiin sedexdaan arin ee midba kan kale ka daran yahay sidii xal loogu heli lahaa.

Ogsoonow mid dib loo dhigi karo malaha waa sheeko isku xiran isku marna la doonayo in laga wada gudbo,tusaale shirka wada-tashiga waqtiga oo yar iyo beesha caalamka oo jawaab degdeg ah rabta dib looma dhigi karo,sidoo kale shirka Jowhar isagana dib looma dhigi karo maxaa yeelay Dowlada Xasan sheekh ayaa daneyneysa in degdeg loo dhiso.

Dowlada Xasan Sheekh uma sahlana inay beelaha Hiiraa iyo shabeelaha dhexe ku qanciso inay siiso waxa ay rabaan sidoo kalana uma sahlana inay C/weli Gaas iyo Axmed madoobe ka ku qanciso wax ku qeybsiga nidaamka 4.5.

Hadaba la arki doonee sida Dowlada Xasan Sheekh uga dabaalato sedexdaasi mushkilad oo xiligaan wada taagan.

WAXAA QOREY:


C/fataax Muxumed Salaad (Diyeeshe)
diyeshe@journalist.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip