FASHALKA MA DOWLADDAA MASE DADKA?

0
Thursday January 28, 2016 - 18:10:58 in Maqaallo by
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FASHALKA MA DOWLADDAA MASE DADKA?

    Waxaa maalmahan aad u soo kordhaya eedeyn dowladda loo jeedinayo oo ah inay ku fashilantay xakunka dalka. Dadka horboodaya ololahaan waa dad "siyaasiyiin" sheeganya oo badanaaba horey uga soo qabtay xilal kala duwan dowladda hadda jirta ama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalmahan aad u soo kordhaya eedeyn dowladda loo jeedinayo oo ah inay ku fashilantay xakunka dalka. Dadka horboodaya ololahaan waa dad "siyaasiyiin" sheeganya oo badanaaba horey uga soo qabtay xilal kala duwan dowladda hadda jirta ama tii ka horreysay ee ku-meel-gaarka ahayd.

Shakhsiyaadkan waxaa ugu cad-cad oo u cod dheer C/Weli Sheikh (Xiirane), Max/uud Tarzan, Axmad Fiqi, Cali M. Gheedi, Salaad Jeelle, Dr Baadiyow, C/Weli Gaas iyo qaar kale oo badan, waxayna hal-ku-dheg ka dhigteen dowladdu waa fashilantay..marka la weydiiyo waxyaabaha ay ku fashilantay waxay xooga saarayaan xagga amniga iyo qaraxyada Shabaab fulinaayo.

Waa nasiib darro in iaygoo qaarkood ay sheeganayaan darajo cilmiyeed sare inaysan haddana qiyaasi karin ama aysan xasuusan karin in dowladda adduunka maanta ugu awooda badan ee Mareynkanka ayey waxaa oo kale iyo ka daran ka dheceen, sidoo kale Faransa iyo Ingiriiska, waayoo ma jirto dowlad shaaric kasta dhigi karta ciidamo si looga hortago waxaayabaha amniga khatarta ku ah.

Haddaba, fashalka heysata dowladda, hadduu jiro, waxaa u sabab ah dadka kor ku xusan oo ka mid ahaan jiray dowladihi la soo maray, markaasuu nin waliba marki uu waayay booski ama laga qaaday jagadi ow isu beddelay muicaarad aragti gaaban oo fashalka oo dhan u arka inuu yahay Madaxweyne Xasan Sheikh. Fashalka baahay ee dowladda waxaa u sababa kuwa hadda jagooyinka haaya iyo kuwi laga qaaday oo isu beddelay dad ceeb ka sliim ah…. waxaa jirtay xikmad laga soo weriyay Al-Imaam Shaafici Ilaahey raalli ha ka noqdee oo yiri :

نعيب زما ننا والعيب فينا وما لزماننا عيب سوانا

Oo micnaheedu yahay WAXAAN CEEEBEYNEYNAA ZAMANKA AAN JOOGNO LAAKIN ZAMANKAAN CEEBTIISA WAA ANNAGA.

Fashalka dowladdaan ku dhacday, hadduu xaqiiqo noqdo, waa adinka waayoo adinkaa ka mid ahaa iyo kuwo idin ka sii liita oo qaarkood ay weli ka mid yihiin ayaana sabab toosa u ah dhibaatada jirta. Nin kasta oo sheeganaya siyaasi marka uu waayo ama laga qaado jagada uu haayo wuxuu eedda saaraa dowladda, mana jiro mid idinka mid ah ee isku naqday, fikiray oo raadiyay sababta uu ku waayay booski.

Dadka noocaas ah ayaa maanta iska dhigaya dad u doodaya danaha dadweynaha oo hal-qabsi ka dhigtay shacabka waxaas ma yeelaayo. War markaad jagadi aad heysay ku takri faleysay shacab ma joogin miyaa…mase maanta ayaad isleedahay shacabka magaciisa dad ku handad oo iska dhig qof shacabka shucuurtiisa kicin kara si uu u gaaro himilada uu higsanaayo. Shacabkaanu wuxuu halgan ugu jiraa sidow ku heli lahaa nolol maalmedkiisa, siyaaso, dowlad iyo dad iska daba raaraca firaaqo uma hayaan.

Kuwa maanta sameystay XISBIYADA waa dad aan diyaari karin hadafka (objectives) uu xisbi siyaasad lahaan karo. Isku soo wada duub, wayaabaha ka qayli siihaaya qaswadayaasha faashilka dhex fadhiya waa inay gaaraan ama helaan kaalin ay ka soo geli karaan siyaasadda dalka. Ma oga in dadweynaha ay ka dheregsan yihiin hdalladooda cid u jixin jixeysana aysan jirin, xataa kuwa gobollada qaarkood ka yimid oo ku hadaaqaya ”annagu marna ma qaadaneyno wax aan ahayn in degaan wax lagu qaybsado”. Marna ha moodina in rabitaanka Puntland & Jubbalamd dalka iyo dadka badankiisa aan khasab looga dhigi karin, laakin ciddi intaas garan lahayd ma joogto meesha.

Meelaha ay dowladdu ka gaabisay, haddii la isku dayo in la tilmaamo, waxaa ugu weyn dhismaha ciidanka xooga dalka oo aan qiyaasayo in xilligii Sheikh Shariif iyo kan Xasan Sheikh lagu diyaarin karay ciidamo looga kaaftoomo kuwa AMISOM, waa haddii la fulin lahaa talooyinkii iyo qorshihi ay noo dejisay dowladda walaalaha Turkiga oo ah dalka kaliya ay daacad ka tahay inaan yeelano quwad nagu filan oon uga bixi karno baahida amni-darro ee na heysata. Maanta waxaan joognaa heer naloo keeno boliis waxba ka qaban waayay BOOKO Xaraam inay dalkeena lacago xad-dhaaf ah ku qaataan iyagoo la yiri waxay u joogaan sugidda amniga kii dalkoodi Nigeria ay ku fashilmeen.

Dalalka maanta noo soo gurmanaaya ee Khaliijka qaarkood ee ku deeqaya mushaharka ciidanka xoogga iyo tababar-ku-sheeg u muuqda lug-gooyo, maxay marna noogu dayactiri waayeen hal isbitaal ama hal dugsi waxbarasho ama dariiq ku yaalla dalka. Waxay noogu deeqeen in Madaxda dalka ay siiyaan xoogaa gacan-qabsi ah oo ay isaga laaluushaan xildhibaannada la kireysto si loo horjoogsado in Turkiya ay noo fidiso kaalmo la xiriirta tababarrada ciidamada oo haddii loo xilsaaro aan uga kaaftoomi lahayn AMISOM..waxa nalaga aaminsan yahaya inaan nahay dad dagaal jecel oo aan cidina ka nabad geleyn, siiba Kenya iyo Ethiopia. Ma la heli doonaa Madax u diyaar ah inay dalkaan ka xoreeyaan gacan hoorsi iyo isku halleyn ciidamo cadaw nagu ah.

KAFTAN

Somalidu waxay saaran yihiin bas oo shufeerka wada ow indha la’ayahay, dadka saaranna ay dhega la’ayihiin oon shufeerka u sheegi karin inuu khatar ku socdo..shufeerki waa joojiyay baski markuu maqlay qeylo dad raba inay baska soo raacaan markaasuu u joojiyay. Waxaa soo koray 22 oo indho iyo dhego leh, markaasey shufeerki booski ka wareejiyeen iyagoo dhahaya qof wax aragta ayaa wedaaya baska…. Muddo yar kaddib ayey arkeen baski oo ku socda xowli aad u dheereeya..markaasaa qaarkood ay isku dayay inay wax u sheegaan shufeerka..markaasaa la yiri ”ssss aamusa shufeerka waa hurdaa ee ha kicinina”!!!

Xagga dambe waxaa baska ka saaraan qolo iska qayileysa oo indho iyo dhego leh, laakin aan maqal wax codkooda ka baxsan ama aan arag cid aan iyaga ahayn…markaasaa loo sheegay in basku khatar ku socdo, waxay ku jawaabeen annagu shaqo kuma lihin waana ka goosanay kuwa basska saaran.!!!


Ahmed_Alas

Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip