Tababaraha Bayern Munich oo ka walwalsan weerarka Liverpool

0
Saturday February 16, 2019 - 22:15:02 in Wararka by
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Bayern Munich oo ka walwalsan weerarka Liverpool

    Tababaraha Bayern Munich Niko Kovac ayaa sheegay in kooxdiisa cadaadis culus kala kulmi doonaan Liverpool hadii aysan si xoogan kaga ciyaarin daafaca dhexe. Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa ka soo kabsatay labo jeer oo gool laga dhaliyay ka hor in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Bayern Munich Niko Kovac ayaa sheegay in kooxdiisa cadaadis culus kala kulmi doonaan Liverpool hadii aysan si xoogan kaga ciyaarin daafaca dhexe. Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa ka soo kabsatay labo jeer oo gool laga dhaliyay ka hor inta aysan 3-2 ku dhaafin Augsburg xalay.


Laakiin daafaca Bayern oo walwal badan ku haya tababare Kovac ka hor kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League kaasoo ay u safrayaan Anfield Talaadada.

Iyadoo kooxdiisa ay ku guuldareysatay inay shabaqa ilaashato lix kulan oo ay ciyaareen sanadka 2019, haddana tababaraha ayaa cabsida ugu badan ka qaba weerarka Liverpool.

"Qaladaadka daafaca waxaa nagu ciqaabi kara Liverpool,” ayuu ciyaaryahanka reer Croatia ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.

"Marka ciyaartoydeyda Liverpool ay bilaabaan inay ku weeraraan, gaar ahaan seddexda hore ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino waa hals badan yihiin koox ahaaan.

"Taasi waa sababta ay muhiimka u tahay in koox ahaan aaan difaac adag sameyno si ana natiijo fiican u helno.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip