Cristiano Ronaldo oo si xoogan ugu soo laabtay Abaalmarinta kabta Dahabka
Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey goolkiisii 19aad ee horyaalka xilli ciyaareedkaan kulankii uu xalay wajahay kooxda Frosinone, waxaana haatan ka dambeeya kaliya Lionel Messi abaalmarinta kabaha dahabka ee Yurub.
Juventus ayaa hogaanka ugu qabatay horyaalka Serie A 14 dhibcood, kadib markii ay 3-0 kaga badiyeen Frosinone ciyaar ka dhacday Allianz Stadium.
Kooxda Turin ka dhisan ayaa ku bilaabatay si fiican, waxaaana hoganaka u dhiibay Paulo Dybala daqiiqadii 6aad ee ciyaarta.
Leanardo Bonnuci ayaa goolka 2aad dhaliyey daqiiqadii 17aad ka hor inta uusan Cristiano Ronaldo shabaqa ku hubsan goolka saddexaad daqiiqadii 63aad ee ciyaarta.
Juventus ayaa ah kooxda kaliya ee aan laga badin xilli ciyaareedkan horyaalada Yurub , waxaana ay badiyeen 21 ka mid ah 24 kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan.
Cristiano Ronaldo ayaa sii wata gooldhalintiisa Juventus, isagoo dhaliyay goolkiisii 19aad ee xilli ciyaareedkaan kulankii kooxdiisa Zebre 3-0 ay kaga badiyeen Frosinone.
Lionel Messi oo 21 gool dhaliyay ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu sareeya tartanka kabaha dahabka Yurub xilli ciyaareedkan, lakiin haatan labo gool ayuu ka sareeyaa xiddiga reer Portugal.
Cristiano Ronaldo oo si xoogan ugu soo laabtay Abaalmarinta kabta Dahabka
Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey goolkiisii 19aad ee horyaalka xilli ciyaareedkaan kulankii uu xalay wajahay kooxda Frosinone, waxaana haatan ka dambeeya kaliya Lionel Messi abaalmarinta kabaha dahabka ee Yurub. Juventus ayaa hogaanka ugu qabatay h