Difaaca Dhagxaha Duleelo!!!

0
Saturday February 16, 2019 - 00:11:35 in Wararka by
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Difaaca Dhagxaha Duleelo!!!

    Mogadishu meela badan waxaa la dhigay Dhagxaan jid gooyo ah, haddana Qarixii iyo Jugtii weli waa Jiraan. Sabab? (F.S:1aad). Jawaab: Boqortooyadii Shiinaha ayaa Derbi ku wareejisay deegano Ka mid ah Dalka Shiinaha 700 Sanno dhalashadii Nabi Ciise

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu meela badan waxaa la dhigay Dhagxaan jid gooyo ah, haddana Qarixii iyo Jugtii weli waa Jiraan. Sabab? (F.S:1aad). Jawaab: Boqortooyadii Shiinaha ayaa Derbi ku wareejisay deegano Ka mid ah Dalka Shiinaha 700 Sanno dhalashadii Nabi Ciise CS Ka hor, si looga hor tagu Duulaankii Ka imaanayay deegaanka "Mangoolka" maanta, iyo Boqortooyin kale oo isla Shinaha ah.

Mar kale Boqorkii la dhihi jiray: Qin Shi Huang ee Xakumayay Shiinaha Sannadihii ( 220-206 BC) ayaa isna sii xoojiyay dhismihii Derbiga.

 

Kadibna Boqortooyadii ” Ming Dynasty” ee Shinaha xakumay Qarniyadii ( 1368-1644) ayaa iyana Dhisay Derbi kale oo kuwii hore Ka weyn. Laakin kuma guuleeysan in dhismaha Derbigu uu Ka celiyo Cadawgii u Soo dusayay, ” the Great wall of China” ( F.S: 2 &3aad)

Boqorkii ayaa u tagay Nin Caaqil ahaa, kuna yiri: Waxaan Dhisay Derbi weyn, Irid kastana waxaa joojiyay Asgar ilaaliso, welina Cadawgu Waa ka Soo gudbayaa Derbiga, Sabab?

 

Caaqilkii Shiinaha ayaa Ku jawaabay Oraahdiisii Caanka Noqotay ee aheyd (( Waxaad Dhistay Derbiga Ka hor intii aadan Asgariga dhisin)) taa oo uu ula jeeday Adiga oo aan dhameeystirin Baahidii Asgariga ayaad dhistay Derbiga.

 

Maalintaa wixii Ka dambeyay Shiinuhu waxa ey bilaabeen in wax kasta ey Ka hor markyaan Baahida Asgariga.

 

Annagu Baahida Asgariga ma Ka hor marinay, Dhagxaha jididka la dhigayo?

 

Asgarteenu ma waxa uu wax u baaraa Sida Shiinaha , Mise sida Carabta? ( ( F.S: 4-5aad).

 

Talo: Baahida Asgariga Somaliga ah halaga fekero, Ka hor intaan loo dirin howl ama aan dhagxo la dhigin Wadooyinka.

 

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii Ka qaldan qoraalkana Ka sax.

 

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip