Arsenal oo Roose iyo Guuldaro la isugu daray.

0
Saturday February 16, 2019 - 00:09:51 in Wararka by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal oo Roose iyo Guuldaro la isugu daray.

    Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xalay guuldarto xanuun badan waxa ay kasoo gaartay naadiga BATE Borisov, iyadoo looga adkaaday 1-0. Tii oo ay jirto Arsenal waxaa Kaarka Cas laga siiyay laacibka Weerarka uga ciyaara ee Alexandre Lacazette qeybtii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xalay guuldarto xanuun badan waxa ay kasoo gaartay naadiga BATE Borisov, iyadoo looga adkaaday 1-0. Tii oo ay jirto Arsenal waxaa Kaarka Cas laga siiyay laacibka Weerarka uga ciyaara ee Alexandre Lacazette qeybtii dambe ee ciyaarta. Garsoorihii ciiyaarta dhexdhexaadinayey ayaa ku qaaday Lacazette in gacantiisa uu ku dhuftay laacib ka tirsan BATE, waxaana si degdeg ah loogu abaal-mariyey kaadh cas oo loogu diray qolka lebbiska, taas oo keentay in Arsenal oo marka horeba gool lagu lahaa ay rajadeedu sii xumaato. Markii ay ciyaartu dhamaatay, Lacazette ayaa raalligelin ka siiyey jamaahiirta iyo ciyaaryahannada kooxda falkii uu sameeyey, qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Twitterka ayaa waxa uu ku sheegay inay murugo u ahayd in kaadhka cas uu qaato xilli kooxdiisu guul-darraysanaysay oo uu isaguna ka caawin kari lahaa haddii uu sii joogo garoonka.

Weeraryahankan hore ee Lyon waxa uu tilmaamay in Arsenal ay haysato 90 daqiiqadood oo ay dib ugu soo noolaato, guushana kaga qaadato BATE, isla markaana ay iskaga xaadiriso wareegga 16-ka Europa League.

Arsenal ayaa u baahan in marka ay tagto garoonkeeda Emirates ay ka adkaato BATE iyadoo iska ilaalinaysa in wax goolal ah laga dhaliyo, si ay ugu suurtogasho inay u gudubto wareegga 16ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip