Dowlad Horuumarkeeda Number ayaa lagu sheegi karaa!!!=Nasashada Jimcaha. Q-135aad=

0
Friday February 15, 2019 - 23:25:24 in Wararka by
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Horuumarkeeda Number ayaa lagu sheegi karaa!!!=Nasashada Jimcaha. Q-135aad=

    1- Nin aad u xoogweyn ayaa Guursaday, Gabar caato ah kuna Aqalgalay magaalo, muddo markuu qabay oo eyna wax isku dhalin, ayaa Hooyadeed oo baadiyo jirtay soo aaday gabadheedii magaalada lagu qabay, markii ey u timid ayey aragtay Ninkii gabdheeda qaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Nin aad u xoogweyn ayaa Guursaday, Gabar caato ah kuna Aqalgalay magaalo, muddo markuu qabay oo eyna wax isku dhalin, ayaa Hooyadeed oo baadiyo jirtay soo aaday gabadheedii magaalada lagu qabay, markii ey u timid ayey aragtay Ninkii gabdheeda qabay. Waxa eyna tiri: Ninkaan Xooga weyn Gabadheeyda wax kama dhali weyn ee Hagaraa ku jirto, Malaha isagaa rabo in uu iska dul saarnaado. (Nimankaan sheeganayo inay heeystaan shahaadooyin sare , Dalka wax uma qaban weyn ee …..ku jirto). 2- Nin Cabtooy ah oo Daroogo lagu soo eedeeyay ayaa Maxkamad laga soo deeyay, qooyskiisii ayaa ku yiraahdeen: War Nin weyn ayaa Alla kaa dhigaye Maxaad u guursan weyday? . Markaas ayuu ku yiri: Guur aa !!! Fal dambiyed kaas ma rabo ee iga dhaafa.

Waxaa lagu yiri: Guurku siduu dambi ku yahay?. Waxa uu yiri: soow anniga hadad Maxkamadu ima soo deyn, waxaa joogay Qaali kheikh ah, Markhaati iyo Goob joogayaal kale. Guurku hadduuna Dambi eheyn maxaa loogu yeerayaa sheikh sharciga yaqaan oo wax Mehriya, Markhaati iyo goob joogayaal kale. (F.S: 1aad)

 

(Madaxnimo ma rabo, tuugna ma ihi, Haddan madaxnimada tuug lagu noqoneeyn, Xilka kadib kii wax shaxaadi jiray,maxaa isaga loo shaxaadaa)

 

3- Nin Reer Gaalkacyo ah ayaa Xamar yimid, Habeen Barkii isaga oo jiifo Guriga walaalkii ayaa Bisadu Lugta ka qaniintay, Xanuun ayuu la joogi waayay. Subixii ayaa Dhakhtar loo geeyay.

 

Dhakhtarkii ayaa weeydiiyay, maxaa kaaga dhacay Lugtaan? Isaga oo xanuun la joogi la’ kana xishoonayo Bisad ayaa i qaniintay ayuu ku yiri: Datoore Libaax ayaa iga qaniinay. Dhaqtarkii ayaa bilaabay in uu Daawo ka mariyo lugtii. Ninkii ayaa is yiri, war amuu daawada qanniinyada Libaaxa kaa mariyaa oo ey lugto bugsan weydaa. Markaa ayuu ku yiri: war Datoore, Daawda Libaaxa, tan Bisadahana ku dar, baladu waa isku wada bah, annigaa garanayee.( F.S:2aad)

 

(Nin Qurbaha shaqa la’aan ku ahaa, ayaa shaqo xamar u soo doontay, isaga oo ka xishoonaya in uu yiraa, weligeey intaan Qurbaha joogay ma shaqeyn ayuu yiri: Subaxiidii London ayaa ka shaqeyn Jiray, Galabtiina Washington, Axadana Australia )

 

4- wiil ayaa Gabar ku yiri: Abaayo Quruxada Heeso iyo Suugaan iska dhaafe, ma helayo xattaa Erayo aan ku so koobi karo, Mashallah, Maashallah.

 

Gabadhii: Faraxadii ayey qarsan weyday kuna tiri: Thanks, Walaal run ayaad sheegtay. Markaa ayuu yiri: Laakin Number ahaan waan ku sheegi karaa Quruxdaada. Waxa ey ku tiri: Alle meeqo number ayaad ku sheegi leheyd? Waxa uu ku yiri: Number zero. Gabadhii: Xanaaq, Yaah!. ( F.S:3aad)

 

( Dowlad Horuumarkeeda Number ayaa lagu sheegi karaa, Laakin kaa hor iyada ayaa ku sheegee Numbarka ay rabto, si loo yiraa waa la Huruumaray)

 

5- Nin ayaa yiri: Haddii aad leedahay Calool weyn ha Guursan naag Umuliso ah. Waxaa lagu yiri, maxaa dhacay? Waxa uu yiri: Anniga oo Habeen xaaskeeyga la hurdayo, ayaan ku soo toosay Xaaskeeygii oo umuliso aheyd oo i kala taagtay Calooshana iiga fadhidu, Lugahana i kala jiideeyso, Maqasna gacanta ku heeysato oo leh naa adkeeyso waa soo dhawyahaye.(F.S: 4aad)

 

( Tuug Masuul noqday hala shaqeyn, waxaad arkee, wixii hore uu u xadi jiray kaa hor isaga oo kugu eegeynayo)

 

6- Nin mukhaadaraadka aad u isticmaali jiray ayaa qurbaha looga keenay dhaqan celin, Qaraabadiisii ayaa Go’aansatay in Garbar lagu daro si uu u dego.

 

Habeenkii Aqal galkiisa Dadkii Aroska yimid markii ay kala tageen kadib, Ayuu isaga oo Soo Cabay, Qolka ugu galay Xaaskisa oo wali dharki Arooska xiran.

 

Markaa ayuu ku yiri: Wonderful, markaan arkay buuqa Caawo oo dhan Guriga ka jiray iyo Dadka faraha badan ee qeylinayay, waan ogaa in ey Qof Guriga ku hilmaami doona, kuna qeyliyay war kaalaya qof ayaad meesha ku hilmaanteen, ee Hore u sii wada.(F.S: 5aad)

 

(…………………………………………………………)

 

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip