Macallimoow Madax Malaay!!!!

1
Thursday February 14, 2019 - 23:38:16 in Wararka by
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallimoow Madax Malaay!!!!

    Wargeeyska Daily Nation ee Ka Soo baxa Magaalada Nairobi, cadadkiisii Soo baxay 4/Feb./2019. Page 2 ayaan Ka aqriyay sheekadaan. Dowlada Tanzania ayaa xirtay January 2019, 15 Nin oo ah Kaluumeysato Kenyan ah oo Ka Soo dhaqaaqay Jaziiradda Remba, kun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeeyska Daily Nation ee Ka Soo baxa Magaalada Nairobi, cadadkiisii Soo baxay 4/Feb./2019. Page 2 ayaan Ka aqriyay sheekadaan. Dowlada Tanzania ayaa xirtay January 2019, 15 Nin oo ah Kaluumeysato Kenyan ah oo Ka Soo dhaqaaqay Jaziiradda Remba, kuna Soo xad gudbay Biyaha Tanzania si ey uga kaluumeystaan.


Hore ayaa bishii Dec. 2018 ey Tanzania u xirtay 36 kaluumeysato Kenyan ah oo Ka Soo kalumeysi tagay Nyatika. Waxaa lagala wareegay Doomihii, Qalabkii Kaluumeysiga iyo kaluunkii ey maalintaa Soo dabteen waana la ganaaxay.kadibna wada hadal Labada Dowladood dhax maray ayaa lagu sii daayay.


Bishii Oktober 2018 Vuvumn oo Ugandha ah waxaa lagu qabaty 6 Nin oo Kaluumeysato kenyaana ah oo Ku Soo xad gudbay Biyaha Harada Victoria dhinaca Ugandha si ey uga kaluumeystaan.

Toloow Annaga Baddeena meeqo kaluumeystaa ayaa Ku Soo xadgudubtay?. Su’aashaa, Jawaabteeda ayaan la murugooday Galabta.

Malaaygeeygoow, Qaraaba laawe.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip