Natiijooyinkii Kullamadii Xalay UCL

1
Thursday February 14, 2019 - 22:21:43 in Wararka by
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinkii Kullamadii Xalay UCL

    Marco Asensio ayaa goolka guusha u dhaliyay Real Madrid kulankii xalay lugta hore ee wareega 16ka UEFA Champions League ay ku wajahday kooxda Ajax Amsterdam. Ajax aya si adag ula ciyaartay Real Madrid kulankaan, iyadoo Nicolás Tagliafico iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marco Asensio ayaa goolka guusha u dhaliyay Real Madrid kulankii xalay lugta hore ee wareega 16ka UEFA Champions League ay ku wajahday kooxda Ajax Amsterdam. Ajax aya si adag ula ciyaartay Real Madrid kulankaan, iyadoo Nicolás Tagliafico iyo Hakim Ziyech ay si weyn ugu dhaxmuuqdeen kooxda reer Holland.

Karim Benzema ayaa hogaanka u dhiibay Real Madrid kulankaan ay marida ku ahaayeen Natherlands ka hor inta Hakim Ziyech uusan barbareyn.

Laakiin xiddiga reer Spain ee Asensio ayaa sedax daqiiqo ka hor dhamaadka ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Real Madrid.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay kooxda martida aheyd ee Los Blancos.

Dhinaca kale Tottenham ayaa 3-0 kaga badisay kooxda Borussia Dortmund, iyadoo Son, Vertonghen iyo Llorente ay shabaqa soo taabteen kulankaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip