Xukuumadda Soomaaliya Oo Shaacisay Habka Loo Marayo Sidii Loo Soo Saari Lahaa Kheyraadka Dalka

0
Monday February 11, 2019 - 12:25:54 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Soomaaliya Oo Shaacisay Habka Loo Marayo Sidii Loo Soo Saari Lahaa Kheyraadka Dalka

    Wasiirka Batroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Batroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintaan loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

 
Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Lodon halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska,isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu xusay in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka,shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo.

Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip