HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 11-KA FEBARAAYO 2019-KA

0
Monday February 11, 2019 - 11:31:24 in Wararka by
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 11-KA FEBARAAYO 2019-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGU BAAQAY MADAXDA AFRIKA IN AY QAATAAN SIYAASADO WAXTAR U LEH QAXOOTIGA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aa lka Soomaaliya Mudane Maxamed C//hi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furita anka Shir Madaxeedka Mid owga Afrika oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGU BAAQAY MADAXDA AFRIKA IN AY QAATAAN SIYAASADO WAXTAR U LEH QAXOOTIGA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aa lka Soomaaliya Mudane Maxamed C//hi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furita anka Shir Madaxeedka Mid owga Afrika oo sannadkan diirrada lagu saarayo arrim aha qaxootiga iyo barakac ayaasha Afrika ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay la yimaaddaan go'aamo iyo siyaasado waxtar u leh qaxootiga iyo ba rakacayaasha qaaradda. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaa liya ay 2dii sanno ee la soo dhaafay ku hawlanayd si dii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaal iyeed balse waxa uu adkeeyay in caqaba daha haatan ka jira qaaraddu ay muhiim tahay in lagu wajaho siyaasado iyo shuruuc mid ah oo xal waara u noqon kara dhibaatooyinka haysta qaxootiga iyo barakacayaasha.

"Labadii sanno ee la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qorshe qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qo rshayaasha heer gobol, qaarad iyo caa lam.” sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyay shirka in dalalka qaar adda Afrika ay qaxootiga u fududeeyaan isu socodka, fursadaha shaqo, waxbarash ada iyo shaatiyada ganacsiga si qaxoot igu u yeeshaan waxsoosaar, una hormar iyaan noloshooda iyo xirfadahooda.

"Baahi weyn ayaa loo qabaa in qaxoot iga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xa qa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo abuurtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo ca fimaadka, loona fududeeyo helidda dha mmaan waraaqaha iyo sharciyada laga ma maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalal ka iyo bulshooyinka martigeliyay.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ma daxda ka qaybgalaysa shirka in ay qaa taan siyaasad iyo qorshayaal waxtar u leh qaxootiga qaaradda, lana abuuro jawi ay ku xaqiijin karaan himilooyinkooda musta qbalka, isaga oo Ururka Midowga Afrika u soo jeediyay inay dardargeliyaan dhisma ha hy’ad gargaar oo door weyn ka qaada ta gacansiinta qaxootiga iyo barakacayaa sha. DHAMMAAD

PUNTLAND OO JOOJISAY TAHRIIBKA

Laamha amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay ku dhawaaqeen howlgal ka dhan ah ddka tahriibaya iyo Kooxaha wax tahriibiya ee mukhalisiinta loo yaqaano.

Magalada boosaaso ee ah Xarunta Gobolka Bari ayaa inta badan waxaa ka baxa dad isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan,kuwaas oo inta badan u tahriiba dalka Yaman si ay ugu sii gudbaan dalka Sacuudiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janreaal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Ciidamada Booliska uu ku amrayo inay ka hortagaan cid kasta oo iskudayda inay dadka tahriibiso.

Baraha Koontorool ee deegaanada Puntland Ciidamada ku sugan ayuu ku amray inay gacanta ku dhigaan dadka doonaya inay tahriibaan,waxaana uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciidamadii koontoroolkooda ay ka soo gudbaan dad tahriibayaal ah.

Puntland ayaa horay tiro ka dhowr jeer iskudayday inay joojiso tahriibka,isla markaana la xir xiray qaar ka mid ah mukhalisiinta,balse aan lagu guuleysan joojinta tahriibka.

SARKAAL KA TIRSAN CIIDAMADA BOOLISKA OO LAGU DILEY MUQDISHO

Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishey sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska So omaaliyeed xaafad ka mid ah degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda ka dambeysay dilkan ay saarnaay een gaari yar iyagoo toogasho ku diley sarkaalka oo ku sugnaa goob ganacsi oo uu wax ka iibsanayay.

Sarkaalka la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Canshuur waxaana uu ka mid ahaa ciidamada ka howlgala saldhi gga Booliska degmada Hodon.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda geysatay dilka ay goobta ka bax satay kahor inta aysan ciidamada Booli sku gaarin goobta uu dilka ka dhacay.

MIDOWGA YURUB OO LACAGO SIINAYA DALAL AY KU JIRTO SOMALIA

Madaxa iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee M/Yurub Neven Memica ayaa M/Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku saxiixay barnaamijyo horumarineed oo uu ururku ku taageerayo dalal dhaca qaarad da Africa. Mr Neven Memica ayaa ballan qaaday in lacag dhan 225 Milyan oo Euro uu M/Yurub ugu deeqi doono dalal ay ku ji rto Soomaaliya,si loo hormariyo xasiloon ida,shaqo abuurka iyo nabadeynta dalalka Geeska Africa.

Sidoo kale Madaxa iskaashiga iyo xiriir ka caalamiga ee M/Yurub ayaa sheegay in ay muhiim tahay kordhinta taagee rada dalalkan ay ku jirto Soomaaliya,isla mark aana ay lacago badan ku bixi doonaan ammaanka biyaha Soomaaliya. Mas’uulk an ka tirsan Midowga Yurub ayaa barnaa mijyada horumarineed ku saxiixay M/ Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, hal kaasi oo uu kula kulmay ra’iisal wasaa raha dalkaasi Abiy Ahmed iyo guddoomiy aha ururka Midowga Africa Muuse Faki Mohamed oo uu kala hadlay sidii uu iska ashi u dhexmari lahaa Midowga Yurub iyo Midowga Africa.

Si kastaba ha’ahaatee Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka,dhaqaalaha, siyaasada iyo wax ka qabashada arimaha bani’aadanimada.

KURDIYIINTA SIIRIYA OO SHEEGAY IN AY BILAABAYAAN WEERAR KA DHAN AH DAACISH

Kurdiyiinbta Suuriya ee Mareykanku taageero ayaa sheegay in ay bilaabayaan Weerar ka dhan ah Daacish si ay u qabdsadaan meelaha y Dalkaas ka heeystaan. Warka ka soo baxay xoogga SDF ayaa waxaa uu imaanayaa xilli ay ciidanka Mareeykanku isu diyarinayaan in ay Suuriya ka baxaan.

Sarkaal ka tirsan Kurdiyiinta Suuriya Mustafa Bali ayaa u sheegay Reuters in ay isu diyaariyeen sidii ay Daacish uga qabsan lahaayeen Labo magaalo ooxigta Xuduudda Ciraq, halkaas oo 10 kii maalmood ee u dambeeyay ay kasoo baxeen Dad dhan 20,000 oo ruux, sida uu sheegay Masuulka kurdiyiinta u hadlay.

Kurdiyiinta Suuriya ayaa horay waxaa ay u qabsadeen dhul badan oo ay daacish maamulayeen. Ciidanka Mareeykanka ee Jooga Suuriya ayaa kurdiyiinta ka taageera tababarka iyo Saanadda ciidanka.

Balse Ciidanka MAreeykanku dhawaan ay ka bixi doonaan Siiriya, waxaana kurdiyiintu ay wajahayaan in ay difaacdaan dhulkii ay daacish ka qabsaden.

XAALAD DEG DEG AH OO LOOGA DHAWAAQAY NEW ZEALAND

Kumaan qof ayaa laga daad gureeyey magaaalo ku taal dalka New Zealand ayadoo dadka dabka damiyaa ay dadaal ugu jiraan sidii ay u bakhtiin lahaayeen dab ka kacay kaymo ku yaal Koonfurta dalkaas.

Dabka oo ka bilowday lix cisho ka hor meel u dhow magaalada Nelson, ayaa haatan khatar ku haya magaalada Wakefield.

Xaalad dag dag ah ayaa looga dhawaaqay dalkaas iyadoo ku dhawaad 3,000 oo qof ay guryahoodii ka carareen.

Waxaa la filayaa in dabaylo xooggan ay halkaasi ku dhuftaan, iyadoo saraakiishuna ay ka digeen in shalay oo Axad ah ay noqon doonto maalinta ugu halista badan ee dabkaas.

Raysul Wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in laga yaabo in cimiladu ay sii xumaato.

Dabkan ayaa la rumaysan yahay in uu yahay kii ugu xumaa ee ka kaca New Zealand tan iyo sanadkii 1955kii.

Xildhibaan laga soo doorto magaalada Nelson oo lagu magacaabo Nick Smith ayaa sheegay in xaaladdu ay faraha ka baxday, dadkii dagganaa magaaladaas oo gaaraya 70,000 oo qof ayaa anfariirsan.

Saddex iyo labaatan diyaaradood oo kuwa qummaatiga u kaca ah iyo laba diyaaradood oo waawayn ayaa ka qayb qaadanaya bakhtiinta dabka.

Roobab la saadaalinayo in ay deegaankaaas ka da’aan ayaa la filayaa in aanay qaban halka dabku qabsaday.

Dab baaxaddaas le’eg ayaa ah wax aan looga baran New Zealand, iyadoo warbaahinta maxalliga ahi ay ku tilshalayy dabkii ugu ba’naa muddo 50 sano ah.

HADALJEEDINTA MADAXWEYNAHA JFS MD MAXAMED CABDULLAA HI FARMAAJO EE SHIR MADAXEEDKA MIDOWGA AFRIKA

Mudane Paul Kagame, Guddoomiyaha Wareejinaya Xilka Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda,

Mudane Dr. Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha,

Mudane Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Martida Sharafta leh,

Mudanayaal iyo Marwooyin

Ii oggolaada inaan Madaxweyne Paul Kagame si mug leh ugaga mahadceliyo hoggaamintii heerka sarreysay ee uu sannadkii la soo dhaafay ku soo maamulay Midowgeenna. Waxaan isna soo dhawaynayaa Mudane Cabdil Fataax Elsisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ah Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, waxaana u rajaynayaa guul.

Sidoo kale, aan walaalkay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, Dowladda iyo shacabka Itoobiya uga mahadceliyo martisoorka diirran ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyay muddadii aanu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee qurxoon, Addis Ababa.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf bay ii tahay inaan qayb ka ahaado munaasabaddan kalfadhiga 32aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, iyada oo cinwaankiisu yahay "Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika."

Cinwaanka sannadkani waxa uu muhiim u yahay Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Waxaan doonayaa inaan Ururka Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah uga mahadceliyo dadaalka ay geliyeen in ajendaha sannadkan lagu daro deyn cafiska Soomaaliya. Deyn cafisku waxa uu qayb ka qaadan karaa in la helo khayraadkii dib loogu dhisi lahaa, laguna horumarin lahaa dalka, iyo in xal waara loo helo barakacayaasha Soomaalida.

Abaal ayaanu u haynaa dalalka Afrika ee martigeliya qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waddamada dariska nala ah. Run ahaantii, martisoorka Afrika waa mid tixgelin mudan.Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa cid kasta oo dowladda dhexe iyo dowladda hoose ka caawisa dib u dejinta barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya.

Mudane Guddoomiye, Baahi weyn ayaa loo qabaa dardargelinta dhismaha hay'ad gargaarka ka shaqaysa si xal xal waara oo casri ah loogu helo qaxootiga iyo kuwa ugu nugul shacabkeenna. Baahi weyn ayaa sidoo kale loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo furtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Iyada oo ay muhiim tahay in aan xal waara u raadinno barakaca Afrika, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah inaan ka shaqeyso helidda siyaasado iyo shuruuc horusocod ah oo la xiriira qaxootiga.

Midowga Afrika waxa uu leeyahay qorshayaal lagu xallin karo sababaha asaasiga ah ee keena barakaca. Hiigsiga Midowga Afrika ee ku aaddan in sannadka 2020 la dhigo qoriga kaasi oo soo bandhigaya siyaabaha lagu yarayn karo dagaallada waxa uu qayb ka qaadanayaa in qaaradda laga suurtageliyo nabad iyo amni.

Soomaaliyana waxa ka go'an inay dadaal geliso gaarista hiigsigan.

Qorshahayaga Horumarka Qaran waxa uu si gaar ah uga hadlayaa baahiyaha kooxaha dhibaatada u nugul ee bulshadeenna sida Qaxootiga, Barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya.

Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qoridda Qorshe Qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamka.

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan dalalka Afrika ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii, iyada oo lagu dadaalayo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah ee keena noocyada kala duwan ee barakaca.

Mahadsanidiin.

MAAREEYIHII GAROONKA DIYAARADAHA JOWHAR OO XILKA QAADIS LAGU SAMEEYAY (WAREEGTO)

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilkii looga qaaday Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar Ibraahim Maxamed Cali,iyadoona mid cusub lagu magacaabay.

Maareeyaha cusub ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Mukhtaar Abuukar Macalin ( Mukhtaar Raabit ),kaasi oo bedelada Maareeyihii hore ee Garoonkaasi Ibraahim Maxamed Cali.

Sdioo kae Wareegtada xilka qaadista Maareeyihii hore Garoonka Jowhar ayaa waxaa la Ogeysiiyay Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo dhammaan laamaha amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

MADAXWEYNE MUSTAFE CAGJAR OO KA QAYBGALAY XUSKA MAALINTA CIIDAMADA QARANKA ITOOBIYA

Waxaa shalay magaalada Diridhabe lagu xusay xuska maalinta Ciidamada qaranka ee Itoobiya, xuskan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah madaxda degaanada dalka.

Haddaba xuskan ayaa waxaa hadalo kooban ka soo jeediyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar isagoo ka hadlay wax qabadka ciidamada Qaranka Itoobiya iyo guulaha ay ka soo hooyeen dhanka dalalka dariska la ah Itoobiya.

Dhinaca kale Madaxwayne Mustafe ayaa kulan isbarasho laqaatay shalay galinkii dambe Ugaaska Gurgure ee maalinimadii daraad lacaleema saaray.

R.W KHAYRE OO SHALAY GUDDOOMIYAY SHIRKA TUBTA HORUMARINTA DHAQAALAHA

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo shalay lagu qabtay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galayaasha shirka u sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhaqangelinta qorshaha daynta looga cafinayo dalka, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhiirri gelinta ganacsiga xorta ah, waxa uuna ku dhiirri geliyay dhammaan dhinacyada halbeegyada ku leh Tubta in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan qabashada hawsha kaga aadan gaaridda himilooyinka dhaqaale ee dalka.

Kulanka shalay ee tubta horumarinta dhaqaalaha oo ahaa kii ugu horreeyay ee lagu qabto goob ka baxsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Halbeegyada Tubta horumarinta dhaqaalaha ugu jira wasaaradda ganacsiga iyo warshada ayaa waxaa kamid ah dhiirri gelinta iyo suuqgaynta khayraadka gudaha, abuuridda suuqya heer caalami oo loo iib geeyo badeecadaha dalka, in la dhaqan geliyo sharciga maalgashiga, in laga shaqaysiiyo guddiga sare ee maalgelinta shisheeye iyo samaynta siyaasad lagu horumarinayo ganacsiga dalka.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO AMAR KU JOOJIYAY LACAGO LA SIIN JIRAY HAY’ADAHA & SHIRKADAHA

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu joojiyay lacago lasiin jiray hay’adaha kala duwan ee Maamulkaas oo kala ahaa kuwa curaaraha iyo khadmadaha la siin jiray hay’adaha dowladda ee madaxabannaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Wareegtada oo ku taariikheysan 2adii Bishaan ayaa waxaa la ogeeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda,Xisaabiyaha iyo Hanti dhowraha Puntland.

waxaana la faray inay joojiyaan bixinta lacagaha curaaraha iyo khadmadaha la siiyo Hay’adaha Maamulka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Maamulka la Shaqeeya,kadib markii la awoodi waayay mushaaraadka lasiiyo Ciidamada iyo Hay’adaha rayidka.

MADAXWEYNE XAAF OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA GOBOLKA MUDUG

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/02/War-2.jpgMadaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Shalay la kulmay Odayaasha dhaqanka Guud ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo maalmahan qeyb qeyb ula kulmayay odayaasha dhaqanka ayaa Shalay si Guud ula kulmay waxa uuna kala hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Nabada Magaalada Gaalkacyo la shaqeynta Maamulka.

Kulamadan oo si isdaba joog ah maalmahan Madaxweynaha Galmudug uu la qaadanayay Odayaasha dhaqanka,Dhalinyarada,Haweenka,Ganacsatada iyo Maamulka Degmada ayaa intooda badan waxa looga hadlay Sidii loo sii xoojin lahaa nabada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo in si dhaw loola shaqeeyo Ciidamada Amaanka ee Galmudug.

13 RUUX OO KU GEERIYOOTAY SHIL KA DHACAY SHIINAHA

Wararka naga soo gaaraya dalka Shiinaha ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 Qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay dhaawac yihiin, kadib markii shil gaari uu ka dhacay wadanka Shiinaha.

Ilaa 23baabuur ayaa la sheegay in ay shilka galeen xilli ay marayeen bartamaha Shiinaha waxa ayna ka yimaadeen fasaxii Lunar New Year.

Waxaa dhici karta in tirada dhimashada ay kor u kacdo, sababo la xiriira, in dadka qaar ay qabeen dhaawacyo halis ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Shilka ayaa dhacay shalay oo Axad ah, waxaana uu ka dhacay agagaarka magaalada Anqing ee gobolka Anhui. Booliska ayaa sheegay in sababta keentay shilku uu ku socdo baaris, balse wuxuu ka digay xaaladaha roobabka iyo barafka ee waddooyinka ku baahsan.

Waxa ay mid ka mida maalmaha ugu daran Shiinaha iyadoo Shilka uu dhacayay saacado gudaheeda, inta ugu badanna ay ku dhacayeen wax ka yar Saddex saac gudaheed.

Sawiro lasoo qaaday oo lagu daabacay bogga internetka ee wargeyska Paper ayaa muujinayay in gawaarida qaarkood ay si aad ah ay u saameeyeen Barafka.

GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND OO LAGU DHAWAAQAY

waa dani oo ku faraxsan guushiisaMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr- 01 Feebaraayo 10 2019 ku magacaabay Golaha Xukuumadda dowladda Puntland.

Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqay ayaa waxa ay kala yihiin.

1. Wasiiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud

2. Wasiirka Arimaha Gudaha Federalka Mohamed Abdirahman Dhabancad

3. Wasiirka Amniga iyo DDRTa Cabdisamad maxamed Gallan

4. Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal

5. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange

6. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi maxamed Xassan

7. Wasiirka Caafimaadka Dr, Jaamac Faarax Xassan

8. Wasiirka Howlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Axmed Bashiir Muuse

9. Wasiirka Dekeddaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majaajiyo.

10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay)

11. Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska Aamina cisman Xaaji Jaamac

12. Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cali Xassan Axmed Sabareey

13. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aden

14. Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka Ismaaciil Diiriye Gacmadiid

15. Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashuga Cabdullaahi Cabdi Xirsi

16. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash

17. Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse

18. Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran)

Wasiir kuxigeeno.

1- Wasiir kuxigeenka Cadaaladda & Arrimaha Diinta Maxamed Cali Faarax

2- Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed

3- Wasiir kuxigeenka Amniga & DDRTA Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

4- Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi iyo Yaasiin Ibraahin Ciise.

5- Wasiir kuxigeenka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga Yaasiin Mire Maxamuud.

6- Wasiir kuxigeenka Waxbarashada & Tacliinta Sare Mukhtaar Maxamuud Xassan Jayte

7- Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi

8- Wasiir kuxigeenka Howlaha guud & Guryeynta Maxamed Xuseen Xaashi

9- Wasiir kuxigeenka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Yaasiin Cartan Maxamed

10- Wasiir kuxigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Sucaad Saalax Nuur

11- Wasiir kuxigeenka Horumarinta Qoyska & Haweenka Sahro Cabdi Xirsi

12- Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax

13- Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdiweli Seed Cali

14- Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xassan Ciise iyo Faaisa Cali ismaaciil.

15- Wasiir kuxigeenka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Mustafa Daahir Aden

16- Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga & Kheyraadka badda Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud

17- Wasiir kuxigeenka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Axmed Cabdiraxmaan Xirsi

18- Wasiir kuxigeenka Tamarta, Macdanta & Biyaha Maxamed Bashiir Cabdullaahi

Wasiiru dowlayaasha

1- Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax X Jaamac

2- Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Maxamed Axmed Kunle

3- Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir Cismaan

4- Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalah iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim

5- Wasiiru dowlaha Waxbarashada & Tacliinta Sare Cabdullaahi Xassan Roobke.

6- Wasiiru dowlaha Caafimaadka Sayid Cumar Guuleed

7- Wasiiru dowlaha Duulista Hawada & Garoomada Maxamed Xassan Kiili.

8- Wasiiru dowlaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka Cabdirashiid Cali Geelle.

9- Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiqani Geelle Max’ed.

CIIDANKA NABAD SUGIDDA JUBBALAND OO SOO BANDHIGAY MIINOOYIN DHULKA LAGU AASAY

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa soo bandhigay waxyaabha qarxa oo ay sheegeen in lagu aasay Gobolka Jubbada Hoose.

Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay Miinooyin nuuca dhulka lagu aaso ah ka soo saareen inta u dhexeeysa deegaanada Muuse Xaaji iyo Araare ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in miinooyinka ay gaarayaan ilaa 4 xabo, islamarkaana aysan jirin cid wax ku noqotay inta uu hawlgalkan socday.

Ciidanka Jubbaland oo ay wehliyaan kuwa Kenya ayaa halkaasi ka wada hawlgal ka dhan ah Mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalmo kahor amray in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Shabaab, si looga saaro deegaanada ay ku harsan yihiin.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO AMAR KU JOOJIYAY LACAGO LA SIIN JIRAY HAY’ADAHA & SHIRKADAHA

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/02/Wareegto.jpgWareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu joojiyay lacago lasiin jiray hay’adaha kala duwan ee Maamulkaas oo kala ahaa kuwa curaaraha iyo khadmadaha la siin jiray hay’adaha dowladda ee madaxabannaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Wareegtada oo ku taariikheysan 2adii Bishaan ayaa waxaa la ogeeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda,Xisaabiyaha iyo Hanti dhowraha Puntland.

Waxaana la faray inay joojiyaan bixinta lacagaha curaaraha iyo khadmadaha la siiyo Hay’adaha Maamulka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Maamulka la Shaqeeya,kadib markii la awoodi waayay mushaaraadka lasiiyo Ciidamada iyo Hay’adaha rayidka.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

MAXKAMADA GOBOLKA MAROODI JEEX OO XUKUNKU RIDAY WARGEYSKA FOORE EE HARGEYSKA KA SOO BAXA

gudoomiyaha wargeyska FooreMaxkamadda Gobolka Maroodi jeex ayaa shalay ku xukuntay wargeyska madaxa banaan ee Foore, taas oo ay ku xukuntay hal sano oo adhig ah iyo ganaax saddex milyan oo shilling Somaliland.

Xayiraada lagu soo rogay wargeyska ayaa noqonaya mid sanad ah in aanu soo bixi karin iyo ganaaxa saddexda milyan ee ShSl, waxaana kahadlay tifaftiraha guud ee wargeyska Foore oo ku tilmaamay cadaalad daro .

Tifaftiraha guud ee Wargeyska Foore Maxamed Maxamuud Ilka case oo ka hadlaya xukunkan ku dhacay waxa uu yidhi "Xukun cadaalad daro ah oo aan u qaadanay aargoosi ayey nagu riday maxkamadda gobolka Maroodi jeex, wargeyska waxa lagu haysta warbixin faallo wareed ah oo uu wargeysku qoray bishii sadeedaad ee sanadkii aynu ka soo gudubnay 2018ka, waxay ku saabsanayd madaxtooyada cusub ee la dhisayo wakhti lagu jiro duruufo nololeed oo adag haday tahay mid caafimaad, waxbarasho iyo mid biyeed, anagoo lahayn dhaqaalaha ku baxaya dhismaha madaxtooyada cusub waxa kaga haboonaa iyadoo la galiyo meelaha kale ee muhiimka u ah nolosha, waxay nagu soo eedeeyeen xeer ilaalintu laba eedood midi waxay ahayd kicin dadweyne oo dadweynaha lagaga hor keenayo dawladoodda, iyo eedda labaadna waxay ahayd dhismaha madaxtooyada oo ay ku tilmaamteen wax uu madaxweynuhu leeyahay”.Si kastaba ha ahaatee, xukun kan ku dhacay wargeyska Foore waxa cadaalad daro ku tilmaamay gudoomiy aha ururka saxaafadda ee Solja iyo siyaas iyiin kale oo badan.

BOOSAASO OO LAGU BURBURIYAY LAGUNA GUBAY XASHIISH IYO KHAMRI LAGA KEENAY ITOOBIYA

Laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa Shalay Gelinkii dambe waxa ay fagaaro ku yaalla Magalada boosaaso ku gubeen kuna bur buriyeen dhalooyin Khamri ah iyo Xashiis farabadan oo howlgal lagu soo qabtay.

Waxyaabahaan maanka dooriya ayaa waxaa ay kala yihiin 68 Dhalo oo Khamri ah oo laamaha amniga ay sheegeen in laga keenay Itoobiyaiyo 53 Xabo oo Xashiis ah,sidoo kale waxaa lala qabtay raggii watay oo ka Ganacsanayay.

Guddoomiyaha Maxkada Puntland oo goobta waxyaabaha maanka dooriya lagu gubayay ku sugnaa ayaa sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay lacag farabadan iyo dad ka Ganacsanayay maandooriyaha,isla markaana Maxkamada la horgeyn doono.

Waxa uu sheegay in waxyaabaha maanka dooriya ay dhibaato ku yihiin dhinaca amniga sidoo kale ay sababaan caafimaad darro,waxaana uu u mahad celiyay saraakiisha iyo Ciidamada Booliska oo howlgalkaas fuliyay.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa isna dhankiisa sheegay in tani ay tahay guulweyn oo u soo hoyatay Shacabka Gobolka Bari,isla markaana hadii aan laga hortegin Carruurta yar yar la siin lahaa,waxaana uu Shacabka ka socday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa.

Si kastab Puntland ayaa dhowr jeer waxa ay goob fagaaro ah ku gubtay maandooriye iyo sidoo kale raashin la sheegay in uu dhacay,kuwaas oo howlgal lagu soo qabta

KULAN LOOGA HADLAYAY DHISMAHA CIIDAN KA SUGAYA AMNIGA DOORASHOOY INKA OO MUQDISHO LAGU QABTAY

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay guddoomiyay shirka tubta amniga iyo cadaaladda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda amniga gudaha, loogana hadlay dhammaystirka habraaca cusub ee maamulka iyo maaliyadda ciidanka, qaab dhismeedka ciidanka sugaya amniga doorashooyinka, halka ay marayso diiwaan gelinta ciidanka, qorshaha ciidanka hawlgabka ah, naafada iyo agoonta.Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in hadafka guud ee tubta amniga iyo cadaaladda uu yahay in dalka laga hirgeliyo hay’ado amni iyo caddaaladeed oo aad u hagaagsan, xasiloon oo leh siyaasado, sharciyo iyo hannaan maamullo saxan oo xaqiijin kara himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Halbeegyada wasaaradda difaaca dalku ay ku leedahay Tubta Amniga iyo Cadaalada ayaa waxaa qayb ka ah qiimaynta iyo sugidda amniga goobaha loo cayimo wacyi gelinta, diiwaan gelinta iyo xarumaha ay dadku codkooda ku dhiibayanaan.

Himilooyinka Tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dibuhabaynta iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga qaranka, muumulidda xilliga kala guurka ee ciidanka qaranku la wareegayaan amniga dalka iyo isku xirnaan habaysan oo lagu dhaqan gelinayo dhammaan qorshayaasha.

AKHRISO:MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO MARKALE GOLE WASIIRO CUSUB MAGACAABAY

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay isbedel ku sameeyay Wasaarada Biyaha iyo Macdanta ee Hirshabeelle. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa Wasiirka Wasaarada Biyaha iyo Macdanta Hirshabeelle loogu magacaabay in uu noqdo Xildhibaan Shuceyb Cabdixakiim Muuse,waxaana Wasiir kuxigeenka loo magacaabay Xildhibaan Cabdiladiif Maxamed Xaaji Cabdi. Sidoo kale Wareegtada ayaa wax aa lagu magacaabay Qaar kamid ah Was iiru dowlayaal Wasaaradeed oo kamid ah noqonaya Dowlad Goboleedka Hirshabe elle.

HALKAANHOOSE KA AKHRISO:

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/02/farc.jpg

MASUUL MUSLIMIIN KA CARAR AH OO DADKIISA UGU BAAQAY IN AY CARRUUR BADAN DHALAAN

Dumarka dalka Hungary ee dhala afar carruur ah ama kabadan ayaa laga dhaafi doonaa canshuuraha dhaqaalaha soo gala inta ay nool yihiin, sida uu sheegay ra'iisulwasaaraha dalkaas, isaga oo soo bandhigaya qorshe loogu talagalay in sare loogu qaado ubadka ku dhasha dalkaas.

Waa qaab lagu hagaajinayo mustaqbalka dalka Hungary iyadoo aan lagu tiirsanaanayn soo galooti, ayuu yiri Viktor Orban. Ninkan oo wadaniyada ku kalax tagay siyaasadiisuna ay tahay garabka midig ayaa si gaar ah uga soo horjeeda muhaajiriinta Muslimiinta ah.

Bulshada ku nool dalka Hungary ayaa sannad kasta hoos u dhacda 32,000, dumarka dalkaasina waxay dhalaan carruur ka tiro yar kuwa ay dhalaan dumarka dalalka Qaaradda Yurub celcelis ahaan.

Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah in lamaaneyaasha da'da yar la siiyo daymo aan dulsaar lahayn oo gaaraya 36,000 oo doolarka Maraykanka ah, lagana saamixi doono markay saddex carruur ah dhalaan.

Orban ayaa sheegay in sababta ay Reer Galbeedka dhashu ugu yaraanayso ay tahay soo galootiga Yurub "loona baahan yahay in ilmo kaste oo meesha ka baxa lagu badalo in uu mid kale yimaaddo, markaasna ay sidaa tiradu ku hagaagi doonto.

"Dadka dalka Hungary sidaas way ka duwan yihiin, ayuu yiri. Uma baahnin tiro uun ee waxaan u baahannahay carruur reer Hungary ah.

Lahaanshaha sawirka EPA Image caption

Viktor Orban Intii uu Orban khudbaddan u jeedinayay qaranka, mudaaharaadeyaal arrintan ka soo horjeeda ayaa caasimadda Budapest ku qabtay mudaaharaad ay dawladda uga soo horjeedaan.

Dad lagu qiyaasay ilaa 2,000 ruux ayaa isugu soo baxay bannaanka xafiiskiisa, kuwo kalana waxay gooyeen buundada dul marta wabiga Danube.

Saxafiyiintu waxay ku soo warramayaan in aad loogu sacabeeyay markii uu ku dhawaaqay toddobada qodob ee loogu talagalay in ubadka dalkaas lagu kordhiyo.

Qorsheyaasha kale ee dawladda waxaa ka mid ah:

In la sameeyo 21,000 oo xarumood oo carruurta lagu nuujiyo muddo saddex sano gudahood ah.

In 2.5 bilyan oo doolar oo dheeri ah lagu bixiyo xarumaha caafimaadka ee dalkaas.

Guryo qiimo jaban

Iyo dawladdu ay caawiso dadka gadanaya gawaarida toddobada ruux qaada

Orban ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay "Hungary ha noolaato, dadka Hungaryna ha noolaadaan!.

Cecelis ahaan dumarka Hungary waxay dhalaan 1.45, taas oo ka dhigaysa in dalkaasi uu ka hooseeyo tirada dhalmada ee Midawga Yurub marka celcelis ahaan laga hadlayo taas oo ah 1.58

Faransiiska ayaa ah dalka ugu dhalmo badan Midawga Yurub waana 1.96, Spain ayaana ah dalka ugu dhalmo yar iyadoo ay dumarku dhalaan 1.33.

Niger oo ku yaala Galbeedka Afrika ayaa ah dalka ugu dhalmo badan adduunka celcelis ahaana haweenku waxay dhalaan 7.24.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip