13 ruux oo ku geeriyootay shil ka dhacay Shiinaha

0
Sunday February 10, 2019 - 23:52:50 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    13 ruux oo ku geeriyootay shil ka dhacay Shiinaha

    Wararka naga soo gaaraya dalka Shiinaha ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 Qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay dhaawac yihiin, kadib markii shil gaari uu ka dhacay wadanka Shiinaha. Ilaa 23-baabuur ayaa la sheegay in ay shilka galeen xilli ay marayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya dalka Shiinaha ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 Qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay dhaawac yihiin, kadib markii shil gaari uu ka dhacay wadanka Shiinaha. Ilaa 23-baabuur ayaa la sheegay in ay shilka galeen xilli ay marayeen bartamaha Shiinaha waxa ayna ka yimaadeen fasaxii Lunar New Year. Waxaa dhici karta in tirada dhimashada ay kor u kacdo, sababo la xiriira, in dadka qaar ay qabeen dhaawacyo halis ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Shilka ayaa dhacay maanta oo Axad ah, waxaana uu ka dhacay agagaarka magaalada Anqing ee gobolka Anhui. Booliska ayaa sheegay in sababta keentay shilku uu ku socdo baaris, balse wuxuu ka digay xaaladaha roobabka iyo barafka ee waddooyinka ku baahsan.

Waxa ay mid ka mida maalmaha ugu daran Shiinaha iyadoo Shilka uu dhacayay saacado gudaheeda, inta ugu badanna ay ku dhacayeen wax ka yar Saddex saac gudaheed.

Sawiro lasoo qaaday oo lagu daabacay bogga internetka ee wargeyska Paper ayaa muujinayay in gawaarida qaarkood ay si aad ah ay u saameeyeen Barafka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip