Madaxweyne Farmaajo oo labo sano jirsaday: Lix arrimood oo u gaar ah dawladdiisa

0
Saturday February 09, 2019 - 10:10:02 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo labo sano jirsaday: Lix arrimood oo u gaar ah dawladdiisa

    Farmaajo oo khudbad jeediyay ka dib markuu ku guuleystay xilka madaxweynaha Labo sano ayaa kasoo wareegtay markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 8-dii Feberaayo 2017 ayaa madaxweyne loo doortay Farmaajo asagoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo oo khudbad jeediyay ka dib markuu ku guuleystay xilka madaxweynaha Labo sano ayaa kasoo wareegtay markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 8-dii Feberaayo 2017 ayaa madaxweyne loo doortay Farmaajo asagoo 23-kii isla bishaasna Raysul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayrre. Dadka dhaliila wax qabadka dawladda ayaa sheega in ay jiraan waxyaabo badan oo ay dawladdu ka gaabisay wax ka qabashadooda, sida arrimaha ammaanka iyo dastuurka, halka dhanka kale ay jiraan waxyaabo badan oo hormar ah oo ay xukuumaddani ku tallaabsatay. Haddaba laba sano kadib, maxaa kamid ah waxyaabaha ay Xukuumaddani uga duwan tahay kuwii iyada ka horreeyay? Qormadaan ayaynu ku eegaynaa qaar kamid ah arrimahaas oo aan horay dalka uga dhicin.
Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image caption

1. Khilaaf la'aanta madaxweynaha iyo Raysul Wasaaraha

Tan iyo markii 23-kii Feberaayo 2017 uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo Raysul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre ma jirin khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay labadaas mas'uul ee ugu sarreeya dalka.

Madaxweynaha iyo Raysul Wasaaraha ayaa si dhow u wada shaqeeya ayagoo fagaareyaasha ka sheega sida ay uga go'an tahay xoojinta wada shaqayntooda.

Xukuumadihii tan ka horreeyey laga soo bilaay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Carta, ayaa looga bartay khilaaf joogta ah oo dhexmara Madaxweynaha iyo Raysul Wasaaraha, taas oo keeni jirtay in marka dambe la baddalo Raysul Wasaaraha.

Khilaafka soo noqnoqda ee dhex mara mas'uuliyiinta dalka ugu sarraysa ayaa la sheegaa in uu gaabis ku keeni jiray hawlaha hor yaal xukuumadda oo ammaanku uu ugu horreeyo.

Dawladda haatan jirta ayaa lagu ammaanaa khilaaf yarida madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayadoo la sheego in isu dhawaanshahoodu uu horseeday in ay go'aanno wadajir ah qaataan.

2. Xiriirka Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Maamul goboleedyada waxaa laga dalbaday xisaab celinLahaanshaha sawirkaYOUTUBE
Image captionMaamul goboleedyada waxaa laga dalbaday xisaab celin

Tan iyo markii xukuumadda haatan jirta ay talada dalka la wareegtay, waxaa jiray kulamo badan oo wada shaqayn ah oo ay yeesheen dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin ammaanka iyo qaybsiga khayraadka.

Hase ahaatee dhanka kale waxaa jiray khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah, kaas oo markii dambe horseeday in maamul goboleedyadu ay sheegaan in ay xiriirka wada shaqaynta u jareen dawladda dhexe.

Khilaafka labada dhinac oo sii xoogaystay ayaa keenay in dawladda Soomaaliya faragalin toos ah ku samayso doorashada maamullada qaar, si ay madax uga dhigto masuuliyiin ayada taageersan, arrintaas oo ka hirgashay maamullada qaar.

Dhanka kale xukuumadda Soomaaliya, ayaa Xakamaysay safarraddii madaxweynayaasha dawlad goboleedyadu ay ku tagi jireen dalalka dibedda ah.

Tallaabadan ayaa dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa ay sheegaan in ay tahay mid dawladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay u madax banaanaato siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo dawladdu ay sheegto in dastuur ahaan ayada uun ay go'aan ka gaari karto.

Waxay dowladdan noqotay tii ugu horreysay ee guulo siyaasadeed oo la taaban karo ka soo hoysay loollankii ay kula jirtay maammul goboleedyada, dadka wax falanqeeya qaar waxayba qabaan in markii ugu horreysay tan iyo burburkii lagu kala adkaaday siyaasadda Soomaaliya.

3. Khilaafkii Khaliijka

,Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image caption,

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii soo kala dhex galay dawladaha Khaliijka Carabta, ee u dhexeeyey dawladda Qatar iyo dawladaha kale ee Sacuudigu hormuudka u yahay.

Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay dhinacna u xaglinaynay, balse ay dhammaan yihiin dawlado walaalahood ah oo ay tahay in dhammaantood ay iskaashadaan.

Go'aankaas ay xukuumaddu qaadatay ayaa la sheegaa in ay uga duwan tahay xukuumadihii ayada ka horreeyey oo ku dhiirran waayay in siyaasadooda ku aadan Khaliijka ay qeexaan.

4. Dhiibistii Qalbi Dhagax

 
Jabhadda ONLF oo ka hadashay xariga Qalbi Dhagax

Cabdikariin Sheekh Muuse oo ku magac dheer Qalbi Dhagax oo ah sarkaal sare oo katirsan Jabhadda ONLF ee ka hawlgasha Itoobiya ayay Xukuumadda Soomaaliya bishii Agoosto ee 2017-kii u gacan galisay Itoobiya, arrintaas oo keentay caro dadweyne iyo in dadka Soomaalida ah ay si isku mid ah uga falceliyaan dal iyo dibadba. Waxay noqotay dowladii ugu horreysay ee Soomaaliya matalaysa oo qof Soomaali ah u dhiibta ajnebi.

Ciidammada Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa kala Waregay kuwa maamulka Galmudug, oo markii hore qabtay Qalbi Dhagax, ayagoo markii dambe u sii duuliyey magaalada Muqdisho, halkaas oo looga sii qaaday Itoobiya, xabsi-gurina lagu geliyay Addis Ababa.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 18-kii November 2017-kii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay go'aankii xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan galisay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax). Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu BBC-da siiyay ku taageeray go'aanka baarlamaanka uu ka qaatay arrintaasi.

5. Iskaashiga Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya

Madaxda Itoobiya, Eritrea iyo SoomaaliyaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxda Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya

Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Raysul wasaaraha cusub ee dalkaas, Abiy Axmed, waxaa jiray isbaddalo siyaasadeed oo ka dhacay Itoobiya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Isbaddalladaas siyaasadeed ayaa waxaa ugu waaweynaa heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eritrea iyo heshiiskii iskaashiga ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo, uu kamid ahaa in Itoobiya ay maalgashato afar dekedood oo Soomaaliya ay leedahay.

Dhanka kale kulamo dhowr oo dhex maray madaxda saddexdan dal ayay ku ballan qaadeen hirgalinta iskaashi ballaaran oo ay kamid yihiin arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha.

Itoobiya ayaa dhankeeda ballan qaaday in ay dhowrayso madax banaanida Soomaaliya, oo ay joojinayso xiriirada gaarka ah ee ay sida dhow ula leedahay Maamul goboleedyada Soomaaliya.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa muuqda isu soo dhawaan iyo wadashaqayn u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayadoo ay yaraadeen safarradii madaxda maamul goboleedyadu ay sida joogtada ugu tagi jireen Addi Ababa.

Waana markii ugu horreysay oo ay Itoobiya si toos ah u taageerto dowladda federaalka Soomaaliya, horey waxay xiriir midabyo badan la lahaayeen dhinacyada isku hayay Soomaaliya. Dadka siyaasadda Soomaaliya indha-indheeyana waxay sheegayaan in madaxdii maammul goboleedyada ay agoomo siyaasadeed noqdeen tan iyo markii ay is fahmeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

6. Eryiddii Nicholas Haysom

Nicholas HaysomLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionNicholas Haysom

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka eriday 2-dii Janaayo 219 ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom, ayadoo ku eedaysay in uu faragalin qaawan ku hayo madax banaanida Soomaaliya.

Go'aankan ayay dad badan ku tilmaameen mid dhiirran, marka la eego dowrka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, oo xilligii dowladihii hore, qeyb weyn ka ahaa go'aannada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Mr Haysom ayaa eryidiisii wax yar uun ka hor waxa uu war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay kaga hadlay Doorashadii ka dhacday Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Murashaxiinta u taagnaa hoggaanka maamulkaas.

Nicholas Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dawladda federaalka ah ay faragalin toos ah ku hayso doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayna masuul ka tahay rabshadihii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baydhabo, arrintaas oo dawladda Soomaaliya ay qoonsatay.

Si kastaba ha ahaatee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa oggolaatay in ergay cusub loo soo magacaabo Soomaaliya oo baddali doona Nicholas Haysom.

Tallaabadan ayaa ahayd mid ugub ah ayadoo xukuumadihii tan haatan jirta ka horreeyey aanay ku dhiirran tallaabo caynkaan ah iyo in diblumaasi heer kaas jooga dalka laga eryo.

XIGASHO:BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip