Dowlad Ceebteeda ha wada sheegin, hana u qarin, laga yaabee inay Qeyb iska xaliso..!!!=Nasashada Jimcaha.Q-134aad=

0
Saturday February 09, 2019 - 02:47:42 in Wararka by
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Ceebteeda ha wada sheegin, hana u qarin, laga yaabee inay Qeyb iska xaliso..!!!=Nasashada Jimcaha.Q-134aad=

    1-Nin ayaa Xaaskiisii Xaliimo ugu tagay Isbitaalka Banadir, Qaybta Gargaarka deg dega ah Qolkii ey ku jirtay , iyada oo suuxsan oo Kooma ku jirto. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Intii Aqoonteeyda ah waan dadaalayaa laakin Xaaskaaga rajadeedu ma fiicno. N

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin ayaa Xaaskiisii Xaliimo ugu tagay Isbitaalka Banadir, Qaybta Gargaarka deg dega ah Qolkii ey ku jirtay , iyada oo suuxsan oo Kooma ku jirto. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Intii Aqoonteeyda ah waan dadaalayaa laakin Xaaskaaga rajadeedu ma fiicno. Ninkii ayaa isaga oo Ooynayo Dhakhtarkii ku yiri: waxaan kaa codsanayaa in aad Xaaskeeyga badbaadiso, xaaskeeygu waa 30 Sanno jir, waxaana u baahanahay in ey Caruur kale ii dhasho. Intii uuna Dhakhtarkii jawaabin, ayaa Xaliimo xoog u neefsatay, Gacantiina Dhaqdhaqaajisay, kuna tiri: Maya Xabiibii ma ihi 30 jir, waxaan jiraa 29 sanno iyo 4 billod, welina ma gaarin 30 sanno. Horena Koomadii ayey u sii gashay. ( F.S: 1aad).

( Naag da’deeda ha weeydiin, hooyadaaba ha noqotee, yeeyna ku dhihin Maandhoow, waan kaa yarahay. Raggana qaaraa ka daran ee iska jir )

2- Labo Nin oo Cabsan ayaa Habeen Laba Middi soo qaatay waxa ey ku heshiiyiin in qofkii ey arkaan Madaxa ey ka gooyaan, ka dibna ay Madaxiisa Banooni ( Kubbad) ku Ciyaaraan.

Wax yar kadib ayaa waxaa waddada ugu hor yimid Nin kale oo cabsan, Middiyihii ayey ula soo bexeen oo dhiniciisana ula soo dhaqaaqeen. Waxaa uu ku yiri: Maxaad iga rabtiin? Waxa ey ku yiraahdeen Madaxa ayaan ka gooyneynaa si aan Kubad ugu Ciyaarno.

Midkood ayuu Middidii ka dafay, kadibna Madaxa ayuu isaga Muday, kuna yiri: Maxaad ku ciyaareysiin Kubaddii waan idinka Bajiyay, Dabeeyshiina waa ka baxdaye? Waxa ey ku yiraahdeen: Bax, Xaasid ayaadna tahay.( F.S: 2aad)

(Soomaaliyeey, haddii Laba Dal oo deriskaaga ah ay kuu heshiiyaan, Alkoliiste Cabtoy ah ha ka Caqli yaraan!!.)

3- Wiil Reer Shangaani ah ayaa Gabar xaafada la degan oo Reer Gaalkacyo ah ku yiri: Caawa waxaan kugu casuumayaa Baar Liido, waxaana ku Casheeyn doonaa Digaag. Waxa ey ku tiri: Hilibka Digaaga ma cuno oo Xasaasiyad ayan ka qaadaya.

Markii Maqaayadii Liido la tagay eyeey 3 Xabbo oo Digaag ah cuntay. Haddana Saddex kale ayey Dalbatay. wiilkii ayaa yiri: Alloobeey, ileeyn Reer Gaalkacyo Baahida ayeey Xasaasiyad u yaqaaniin.(F.S: 3aad)

( Siyaasiyiinta Diasporo Hadeey ku yiraahdaan, Xafiiskaan waan wadi karaa, ileeyn Gaadiid ayey ka wadaan, Ar shufeeraa!!!!.)

4- Nin reer Ceelbuur ah ayaa isaga oo Fadhi ku dirir jooga waxa uu maqalay wadaad leh: Qof Fanaan ahaa jiray ee dhintay Hadii Heesihii uu qaadi jiray la shito, isagana inta Qabriga la so fadhiisiyo ayaa Cadaabta lo kordhiyaa.

Ninkii Reer Ceelbuur isla markii ayuu tagay Studio heesaha lagu duubo kuna yiri: walaaloow, Falaashkaan iigu soo Shub dhamaan Heesihii ay qaadi jireen Fanaaniinti Reer Mudug ee dhintay.(F.S: 4aad)

( Soomaaliyeey, Collaadda yaan illa Aakhiro la sii wadin, waa iga Talo)

5- Nin shaqaddiisii u sii baxayo ayaa xaaskiisii ku tiri: Xabiibii Waxaan hayaa Boorso uu ka buuxu Dhar aan hore u so isticmaalay, Waxaan rabaa in aan sadaqeeyo. Ninkii waxa uu yiri: Maxaad u Sadaqaynee Godka Qashinka ee bananka iskaga tuur .

Xaaska ayaa ku tiri: Laakin Xabiibi waxaa jira Dadka faqiir ah oo uu anfacayo una baahan runtii. Ninkii ayaa yiri: Xaajiyo qof dharkaagu uu la egyahay maba jiro, hadii u jirana faqiir maba ahan ee sidan ku sheegay sameey. Xanaaq Xaaskii.

Markii ey xanaaqday ayuu dhaxda ka soo qabsaday ku yiri: Xabiibatii Buurnaanta Anigaa kugu Jecel. Weey faraxday, waxa eyna ku tiri: Sabab? Waxa uu yiri: Mar kasta oo aad sii cayisho waxaa sii yaraanayo khatarta ah in lagu Afduubto. Waa faraxday, waxa ey tiri: Alxamdu lillah, Afduub maba jecliye, laakin Sababtu maxey tahay? Waxa uu ku yiri: Haddii aad sii cayisho ma iyagaaba ku qaadi karo. Shaki ayaa galay, ma ammaanaa mise!!!!. (F.S: 5aad)

( Dowlad Ceebteeda ha wada sheegin, hana u qarin, laga yaabee inay Qeyb iska xaliso, wixii lagu eedeeyay )

6– Islaan ayaa iyada oo hurdeeysa Dhuusa xoog leh ka fakatay, Ninkeedii oo soo jeedayna Sanka ayuu iska qabsaday. hal saac kadib ayey iyada oo argagaxsan hurdadii ka soo booday, Ninkeediina Ku tiri: waxaan ku Riyoonaday Annaga oo Baabuur saaran oo Baabuurkii mar kaliya fariin qabtay, sabab la’aan. Duqeedii ayaa ku yiri: Lug " Taayar ” ayaa ka Qarxay. Waxa ey ku tiri: sideed ku ogaatay? Waxa uu ku yiri: shanqarta ayaan maqlay. (F.S: 6aad)

( Magaaladaan, Mucaarad & Muxaafad ayaa Been Duusa ah kugu cabayo, Sanka iska qabso ee Taayaraa Qarxay iska dheh, see kale heeee)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip