Bayern Munich iyo Juventus Oo Kusoo Biiray Tartanka Loogu Jiro Laacib Ka Tirsan Manchester United

0
Saturday February 09, 2019 - 00:09:13 in Wararka by
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayern Munich iyo Juventus Oo Kusoo Biiray Tartanka Loogu Jiro Laacib Ka Tirsan Manchester United

    Manchester United waa koox dhaqaale ahaan aad uga xoog badan inta badan kooxaha Yurub, isla markaana ay figta ugu sarraysa iska beddelaan Real Madrid oo kaliya, laakiin hadda labada kooxood ee Bayern Munich iyo Juventus ayaa doonaya inay xoog kaga qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United waa koox dhaqaale ahaan aad uga xoog badan inta badan kooxaha Yurub, isla markaana ay figta ugu sarraysa iska beddelaan Real Madrid oo kaliya, laakiin hadda labada kooxood ee Bayern Munich iyo Juventus ayaa doonaya inay xoog kaga qaataan mid ka mid ah laacibiintooda iyagoo usoo bandhigaya mushahar badan.


Dean Henderson waa goolhayaha waqtigan ee kooxda Sheffield United ee ka ciyaarta heerka labaad ee dalka Ingiriiska, waxaana uu garoomada kusoo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, iyadoo lagu tilmaamo mid ka mid ah ciyaartoyga ugu muhiimsan ee kooxdaas.


Waxa uu kala-qayb qaadanayaa halganka ay ugu jirto sidii ay kooxdaasi ugu soo laaban lahayd horyaalka Premier League ah, balse ma aha kooxdiisa rasmiga ah ee uu sharciyan ka tirsan yahay.

Laacibkan 21 jirka ah ayaa waxa ka mid yahay ciyaaryahannada amaahda kaga maqan Man United, waxaana laba sannadood oo kali ahi ka hadhsan yihiin heshiiska uu kula jiro Red Devils, taasina waxay keentay in kooxo waaweyn oo reer Yurub ah ay haddaba xidhiidh lasoo sameeyaan, si ay ugu qanciyaan in aanu qandaraaska u kordhinin Manchester United.

Heshiiska rasmiga ah eeDean Henderson iyo Manchester United wuxuu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan, laakiin kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa uu heshiiska sii dhamaanayaa siinayaa inay awood u leedahay inay ka saxeexdo heshiis kale oo sannad ah, kaas oo marka uu dhamaadana uu xor u yahay inuu qandaraas cusub saxeexo iyo inuu si xor ah uga tago.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip