Eden Hazard oo caddeeyay xilliga uu ku dhowaaqi doona go'aanka mustaqbalkiisa!
Isaga oo la hadlayay raadiya Faransiiska laga leeyahay eeRMCayaa waxa uu sheegay inuu ogsoonyahay go’aanka ku habboon ee uu qaadanayo, iyo tallaabada xigta ee uu qaadi doono.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu horraan u sheegay saaxiibbada ay isku kooxda yihiin inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid, waxaana taasi ay dhalisay in Chelsea ay go’aansato inay ka sabarto.
Waxaana Blues ay ciyaaryahankan iibkiisa ku xireen £100m oo ay haddii Los Blancos ay la timaaddo la siin doono.
Warreysi buuxa oo uu siiyayRMCayaa waxa uu ku caddeeyay inuu ahaan doono mid si wanaagsan u ciyaarra sidoo kalena diiradda saarra waajibaadka ka saarran kooxdiisa, balse go’aankiisa uu yahay mid isaga u gaar ah, xilliga ay ku habboontahayna uu ku dhowaaqi doono.
"Waan ogahay waxa aan sameyn doono, waan go’aansaday. Waxaan heystaa hal sano iyo bar qandaraas ah, qof walbana waa uu ogyahay. Go’aankeyga waa la ogaan doonaa sida ugu dhaqsaha badan, balse ma ahan mid maskaxdeyda saameyneysa” ayuu yiri Hazard.
Waxaana Captain-ka Belgium-ka uu intaas raaciyay inuu ka fikiro mustaqbalkiisa, balse marka uu garoonka ku jiro uu yahay mid aanan soo xasuusan inuu fikiro, keliyana uu doonayo inuu heer sare u ciyaarro.
Mar la weydiiyay inuu xilligan heysto go’aanka mustaqbalkiisa iyo inuu shaacinayo, ayuu Hazard ku jawaabay inuu heysto go’aanka mustaqbalkiisa, balse uu shaacin doono xilliga ay ku habboontahay.
Eden Hazard oo caddeeyay xilliga uu ku dhowaaqi doona go'aanka mustaqbalkiisa!
Laacibka Chelsea ee Eden Hazard ayaa tilmaamay in shakiga badan ee mustaqbalkiisa ku gadaamsan uusan saameyn doonin bandhiggiisa ciyaareed ee xilligan. Waxaa sidoo kale uu sheegay inuu ku dhowaaqi doono go'aanka mustaqbalkiisa xilliga ku habboo