Yaa badiyay kulanki xalay ee El Clasico

0
Thursday February 07, 2019 - 22:40:18 in Wararka by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa badiyay kulanki xalay ee El Clasico

    Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo xalay isku arkay magaalada Barcelona, lugta koowaad ee wareega afarta koox ee tartanka Copa del Rey ayaa iskula agdhacay barbarro 1-1 ah. Real Madrid ayaa bilowgi ciyaartaba hogaanka qabatay kaddib marki uu daqii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo xalay isku arkay magaalada Barcelona, lugta koowaad ee wareega afarta koox ee tartanka Copa del Rey ayaa iskula agdhacay barbarro 1-1 ah. Real Madrid ayaa bilowgi ciyaartaba hogaanka qabatay kaddib marki uu daqiiqadii 6-aad uu gool u dhaliyay Lucas Vazquez , laakin Barcelona ayaa ka daba tagtay qeybti danbe ee ciyaarta.

Goolka bareejadana waxaa u saxiixay laacibka garabka ka ciyaara ee reer Brazil Malcom oo xalay ka ciyaarayay booska Lionel Messi oo dhaawac ka qaba bowdada.

Inkasta oo uu Messi dhaawac qabay, hadana macalinka kooxda Barcelona wuxuu ciyaarta soo geliyay qeybihi danbe balse ma yeelan wax saameyn ah.

Is araga labaad ee wareega Semi-finalka ayaa waxa uu 27-ka bishaan ku dhexmari doonaan labadan koox, garoonka Santiago Bernabeu ee magaalada Madrid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip