Wasaaradda Golaha shacabka. (Maqaal Xiiso leh)

1
Thursday January 31, 2019 - 09:09:38 in Wararka by
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Golaha shacabka. (Maqaal Xiiso leh)

    Beesha Caalamku waxa ey nagu wareerisay, ummadduhu waxa ey dhistaan nidaam Ku saleysan Awoodo is kaabaya. Fulinga, Sharci dajinta, iyo Garsoorka. Waxaa kale oo Jira quwad Afraad oo ah mediyaha….( Caalamkakale warkiisa Naga dhaaf).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Caalamku waxa ey nagu wareerisay, ummadduhu waxa ey dhistaan nidaam Ku saleysan Awoodo is kaabaya. Fulinga, Sharci dajinta, iyo Garsoorka. Waxaa kale oo Jira quwad Afraad oo ah mediyaha….( Caalamkakale warkiisa Naga dhaaf).

Annagu Somali ayaan nahay Qabiil & 4.5 ayaan wax Ku qeybsanay, naguma qasbi Karo Caalamku waxa uu rabo. Maamuladeena waan isku darsaneynaa hal meel ayeyna wada hoos geeynayaa.F.S: 1aad



1- Heyada Sharci dajinta, Golaha Shacabka waxaa laga dhigaa wasaarad hoos tagta Fulinta. Gudoomiyaha Gulaha Shacabkuna waxa uu noqonayaa wasiirka wasaaradda G/shacabka, Ku xigeenadiisii horena waxa ey noqonayaan wasiir Ku xigeenada wasaaradda G/Shacabka. Madaxdii Guddiyaduna waxa ey noqonayaan, Agaasima waaxeedyada wasaarada Cusub, Xildhibaanaduna waxa ey Noqonayaan Shaqaalihii wasaaradda. ( waxaa laga reysanayaa Mooshin in la keeno, mar dambe )

2- Garsoorka, waxaa la hoos geeynayaa wasaaradda Amniga waxa uuna toos u hoos tagayaan NISA iyo CID. ( Waxaa laga reysanayaa khilaaf Ka dhax dhasha Baarista, eedeeynta iyo Xukunka, mar dambe)

3- Bangiga dhexe waxaa la hoos geynayaa Wasaaradda Maaliyada( waxaa laga reysanayaa, Lacagta aad dalbatay Miisaaniyadda kuuguma jirto, mar dambe)

4- Hanti dhowrka waxaa la hoos geeynayaa, Ciddii uu la xisaabtami lahaa( waxaa laga reysanayaa masuul musuq maasuq lagu Soo eedeeyo, Mar dambe)

5- Mediaha oo dhan waxaa la hoos geeynayaa wasaarada war faafinta, waaxda Facebook ( waxaa laga reysanayaa Comment iyo Like aan Raali laga eheeyn, mar dambe).

6- Inta Soo hortana waxaa la hoos geeynayaa Xafiis gaar ah ( waxaa laga reeysanayaa xafiisyo Kala madax banaan, mar dambe)

7- Maamul Gobaleedyada waxaa la hoos geynayaa wasaaradda Arrimaha gudaha( waxaa laga reeysanayaa Gudoomiye Gobal oo Madaxweyne loogu yeero, ama u madax baanaan Go’aankiisa, mar dambe)

Kadibna Caalamku waxa uu ogaanayaa in aan annagu Ka saxneeyn, Annaguna waxaan ogaaneynayaa in Caalamku Naga saxnaa.

Taladaa haddii aan qaadano, waa hadaan horeba loo sii qaadane, oo aan diidno habkii isku dheeli tirka oo ey qaateen 180 ummadood oo dunida nagula nool.

Armaan Noqonaa Dooligii laga celin waayay in uu Bambo F1 Ammanka Ka furo, isaga oo aaminsan in uu Cilmi cusub Soo Saarayo.F.S: 2 &3aad.

Guul Qarannimada Somaliyeed ee Qabiil Qeybsiga Ku dhisan iyo Xildhibaan shaqaale wasaaradeed ah.

Aragtidaada Xur ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip