AKHRISO: Sidee dadka Soomaaliyeed uga falceliyeen hadalkii Madaxweynaha Uganda?

0
Tuesday January 29, 2019 - 18:55:59 in Wararka by
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Sidee dadka Soomaaliyeed uga falceliyeen hadalkii Madaxweynaha Uganda?

    Falcelin badan ayaa ka dhalatay hadal Saacaddihii lasoo dhaafay baraha bulshadda qabsaday kaasoo ahaa hadal uu Madaxweynaha UgandaYoweri Museveni uu ka sheegay Soomaaliya xilli uu ka hadlayay Shir looga hadlaayay Arrimaha Garsoorka oo ka dhacay dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falcelin badan ayaa ka dhalatay hadal Saacaddihii lasoo dhaafay baraha bulshadda qabsaday kaasoo ahaa hadal uu Madaxweynaha UgandaYoweri Museveni uu ka sheegay Soomaaliya xilli uu ka hadlayay Shir looga hadlaayay Arrimaha Garsoorka oo ka dhacay dalkaasi. Waxaa uu sheegay inay jiraan dalal aan dowladnimo ka jirin, isla markaana aan maamul laheyn, Soomaaliya ayuu tusaale u soo qaatay, waxaana uu sheegay in ay jiraan kuwo kale laakiin ay u diideyso dublimaasiyadda. Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa ka dhalatay Caro, waxaana saacaddihii lasoo dhaafay bulshadda ay Soomaaliyeed ay u muuqdeen kuwo si weyn u Cambaareynaayay hadalka Madaxweynaha Uganda.

Qoraal uu bartiisa Facebook-ka soo dhigay oo u muuqday mid uu si gaar ah u taabanayay hadalkii Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, balse aanu xusin ayuu ku sheegay Yuusuf Garaad in mas’uul kasta oo wax aan wanaagsaneyn ka sheega Soomaaliya aanay muhiim aheyn in loo jawaabo.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isuguna qoraal uu arrintaani kaga hadlayo soo dhigay bartiisa Facebook waxa uuna qoraalkiisaas ku muujiyay sida uu kaga xunyahay oraahda kasoo yeertay Madaxweyne Museveni, sidoo kale waxa uu eedeyn iyo siyaasad xumo ku tilmaamay xukuumada Nabad iyo nolo.

Marka laga soo tago aragtiyada siyaasiyiinta xilka haya iyo kuwooda aanan xilka heyn, waxaa sidoo kale arrintaani aragtiyo kala duwan ka dhiibtay dhaliyarada isticmaasha baraha bulshada, Maxamed Xuseen Lafoole qof kusoo gala Facebook-ga ayaa isna qaba in hadalka Museveni uu muujinayo halka Soomaaliya ay marayso oo anan hadalada xun xun lagala xishoon.

Ladan Cilmi inan iyana kusoo gasha barta Facebook-ga ayaa qoraal ay arrintaani kaga hadlaysay ku sheegtay in Soomaaliya waagii hore ee dowladdi Maxamed Siyaad Barre aysan jirin cid ku dhiiran kartay in Soomaaliya ay oraah qaldan u addeegsato.

Marka laga soo tago dhalinta sida aadka ah kaga xumaatay oraahda Museveni waxaa kale oo jira dadyoow iyana soo dahweeyay hadalka Museveni oo sheegay in kaliya uu runta jirta iyo xaalada Soomaaliya maanta maraysa uu sheegay, waxaana dadkaasi ka mid ah Cali Mahad qof kusooa gala Facebook-ga.

Qaar ka mid ah warbaahinta Mucaaradka ee dalka Uganda ayaa sidoo kale si weyn u soo bandhigtay hadalka Madaxweynaha Uganda uu ka sheegay Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamaayay gaf iyo meel ka dhac uu geystay Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Uganda.

Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa 6,223 oo ciidan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip