Ninkaagii hore saaxiib kuu dhaw makuu noqon lahaa?

0
Monday January 28, 2019 - 10:00:29 in Wararka by
  • Visits: 951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkaagii hore saaxiib kuu dhaw makuu noqon lahaa?

    Haa, dabcan: "Qaar ka mid ah nimankii hore way wanaagsan tahay in saaxiib laga dhigto" ayay tiri Robbie Harb, oo ah haweeney 30 jir ah. Waxaan waligay umaleyn jiray in dhammaadka xiriirka labada qof uu yahay wax fudud. Balse dadka qaar ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haa, dabcan: "Qaar ka mid ah nimankii hore way wanaagsan tahay in saaxiib laga dhigto" ayay tiri Robbie Harb, oo ah haweeney 30 jir ah. Waxaan waligay umaleyn jiray in dhammaadka xiriirka labada qof uu yahay wax fudud. Balse dadka qaar ayaa rumeysan inaysan jirin sabab aad ula saaxiibto qof aad horey u kala tagteen. Waxaana taas ka fudud, inaa telefankiisa iska tirtirto, xayiraad ku qabato koontiyadiisa baraha bulshada, aadna iska tuurto wax walba oo gurigaada u yaaley. Waa hagaag, bal ka waran saaxiibkey B, maxaa dhacay? Si ka duwan ninkeygii hore, kulama kulmin B baraha bulshada amase si gaar ah goobaha lagu caweeye. Waxuu ahaa saaxiibkey aan jeceyl badan u qabay. Waxaan ku barbaarnay magaalada Sydney waxaana yeelanay xiriir dhaw oo kobcayay ilaa yaraanteeni. Waxaan wadaagnay wax walba ilaa iskuulka ayaan isla soo dhiganay, waxaan wadaagno dhibaatooyinka qoyskeena lasoo gudboonaado. Waxaan bilownay inaan banaanada isku raacno horaantii labaatameeyadeenii, kaddibna waxuu dhowr sano kaddib ku laabtay Sydney. Xiriirkeenu wuu wanaagsanaa, mar wuu xumaa, sheeko kasto oo na dhexmartana muran ayay ku dhammaanaysay.


.Lahaanshaha sawirkaVICKY LETA Image caption.

Cali Cumar Guuleed oo ka warramaya gabayada laga tariyay jeceylka la calfan waayay

Way fiicnaan lahayd inaa waxyaabo wanaagsan sheego, balse runta ayaa ah inuu bilowgiiba xiriirkeenu xumaa. Waxyaabaha aynaan aadka uga feker jirin dhibaatada ka dhalaneyso waxaa ka mid ah kaftankeena iyo inaa kusoo daahno cashada banaanka. 18 bilood oo xiriirkeenu uu socday, hal maalin ayaa kaddib dagaal xun oo na dhexmaray xaalku noo hagaagay.

Labadeenaba waan dareenay in xaalku maalintaasi noo hagaagay. "Marka sidaas ayaan umaleynaya?" ayaan ku iri. "Haa," ayuu iigu jawaabayhe said. "Sidaas ayaan umaleynayaa." Maalmo yar uun kaddib waa uu baxay. Dhowr bilood ayaan wada nooleyn wax digniin ahna ima uusan siinin. Maalin wuu imaanayay maalina wuu iska maqnaanayay.

Lix bilood wax hadal ah nama dhexmarin. Waxaa ii fududeed inaa nafteyda ku qanciyo inuu yahay isagu qof xun, oo aan ku qaldamay markii ugu horreysay, si niyadeyda iyo waxa maskaxdeyda aan ugu dejiyo wax aka ka guuxaya. Muddo yar kaddibna, taasi waa ay ii hirgashay.

.Lahaanshaha sawirkaVICKY LETA
Image caption.

Kaddibna waxaan helay fariin hal erey uun ay ku qoran tahay: "Kofee?" Waxay ahayd fariintii ugu gaabneyd ee aan waligey arko, balse macno iima sameyneyn."Markii?" Aan u qoray. Waan kulanay- Sodon ilbiriqsi gudahood oo aan isha ku dhuftay, Waxaan xiqiiqsaday inaanan waxba jeceyl ah u fekerayay inaa ku boodo ama feer ku qabto, balse waan isdejinayay. Kulankaasi wuxuu ii xaqiijiyay sida aan ugu xiisay iinuusan ahayn ninkeyga keliya ee uu yahay sidoo kale saaxiibkey.

Inkastoo aan ka fogaanayney inaa ka hadalno arrimaha qaar, sida shukaansiga, balse sida aan u sheekeysanaynay ayaa aad u wanaagsaneyd. Sikastaba, waxaan jeclaa inaa nolol wadaagno isna ila mid ayuu ahaa. Waxaan isku afgaranay inaa nolol wadaagno. Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, si joogta ah ayaan u kumeynay. Mararka qaar wax walba ayaan ka sheekeysan jirnay mararka qaar hadalku wuu kululaanayay gaar ahaan markii aan doonno inaa ka hadalno caqabadaha horyaala xiriirkeena.

Markii ugu horreysay ee uu ii sheegay inuu qof kale shukaansado, caloosha ayaa i xanuuntay. Ayay tiri Robbie Harb. Mararka qaar casho kala xiran baan u bixi jirnay aad ayaana u wada qosli jirnay, kaddibna xaafada ayaan soo aadi jiray aniga oo dareemaya in jeceelkiisu igu sii xoogeysanayo. Ugu dambeyn xaaladaha iyo xiriirkeena way soo hagaageen.

Sheekadeena caadi ayay kusoo laabatay waxaana bilownay inaa ka hadalno haasaawaha dadka kale. Marwalba oo uu ii sheegana inuu qof kale xiriir la leeyahay caloosha ayaa ixanuuni jirtay, balse muddo kaddib waan la qabsaday oo caadi ayaan dareemi jiray. Wali saaxiibo dhaw ayaa nahay. Waan iska joojiyay inaa u arko ninkeygii hore waxaana bilaabay inaan u arko walalkay oo kale.

Waxuu heesta furaha gurigeyga markii uu doono ayuuna yimaada wuuna iskana baxaa. Dadku waxay igu dhahaan saaxiib lama noqon kartid ninkaagi hore taasi oo caqliyan loo arko caalamka dhan inay tahay run. Balse maadaama ay adag tahay kama dhigno inaysan suuragal ahayn. Waan la tacaalnaa marwalba markii uu xiriirku xumaado, sida xiriirka shaqada, midka aan la leenahay saaxiibadeena iyo qoyskeena. Haddaba, Maxay tahay sababta ninkaadi hore uu qof kale u noqonayo?

.Lahaanshaha sawirkaVICKY LETA
Image caption.

Xaqiiqdii, xiriir kasta ma mudno dedaal in la galiyo.Balse dadka qaar ayaa juhdi badan geliya, aniga ahaana B ayaa ka mid ah. Haddii aad saaxiib la noqoto ninkaadi hore oo aad mar jeclaan jirtay, waliba xilli jeceyl xoogan aad u qaaday balse jeceylkaasi ku dhamaado qaab wanaagsan ama niyad jab, saaxiibtinimadu ma ahan ikhtiyaar. Taasi ayaana ah waxa aan bartay.

Ninkeygii hore waan baranay- oo si weyn ayaan ujeclaaday waxaan isku baranay Jaamacadda. Kaddib saddex sanno markii aan ka qalinjabinay jaamacadda marna xiriirkeenu wuu xumaanayay marna wuu hagaagayay, mararka qaarna waxaan asbuuca fasaxa kuwada qaadan jirnay hoygiisa London. Markii uu joogsday jeceylkeeni, waxaan isku afgaranay in saaxiibtinimadii markii hore xiriirka jeceelkeenu ku bilowday ay mudan tahay inaa xifdisano.

Muddo yar kaddib markii xiriirkeenu dhamaaday,waxaan u tagay isbtiaal qaliin daanka ah. Ninkeygii hore ayaa isbitaalka igu soo booqday wuxuuna ii keenay ubaxyo. Wadnahayga ayaa bilaabay inuu si nooc kale ah u shaqeeyo saaxiibtinameeda. Haddii uu fariin qoraal iisoo diro xiliga dambe habeenkii, ama aan ku kulano goobaha kofeega laga cabo xabadka ayaan isku salaami jirnay.

.Lahaanshaha sawirkaVICKY LETA
Image caption.

Aniga oo ogeyn ayaan ka fekeri jiray tallaaba kasta oo uu qaadayo waxaana xasuusan jiray sida uu jeceylka wax uga yaqaano. Aad ayaan uga maseeri jiray markii uu ka hadlo arrimaha gabdhaha kale balse markuu aniga iga hadlayo aad baa u niyad fiicnaan jiray. Sikastaba, inaa soo afjarno xiriirkaas ayaa sidoo kale ahayd midka mid ah go'aamadii ugu wanaagsanaa ee nolosheyda aan gaaro. Xiriirkii aan la yeeshay ninkeygii hore aad ayuu u qoto dheera, aad ayuu u dhib badnaa.

Maanta, ninkeygii hore waa qofka keliya aan fariin u diro maalinka farxada dhalashadiisa. Isna sidaasi oo kale ayuu iigu soo diraa. Taasina waa farin muhiim ah, balse meel fog gaareysa. Sababtoo ah xiriirkeena waxuu qaataa waqti xadidan oo ka mid ah nolosheena - xiliyadii hore- waxaana ogaaday in meel kale uusan ku habooneyn waqtigaas. Iyadoo ogsoonahay in xiriirku yahay tallaabada ugu horreyso oo qofwalba uu ku dhaqaaqo.

Sabatoo ah haddi aad qof xiriirkaas ku jeclaato, abid ma noqon kartaan saaxiibo dhab ah, marka maxay tahay sababta aad haatan u bilaabeyso?

XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip