Chelsea oo u soo baxday kamadambeysta Carabao Cup

0
Friday January 25, 2019 - 21:05:08 in Wararka by
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo u soo baxday kamadambeysta Carabao Cup

    Kullan xiiso badan oo dhex maray kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa soo idlaaday. Tottenham ayaa lugtii hore ee wareegga Semi-Final-ka tartanka Carabao cup kusoo adkaatay 1-0. Balse kullankii xalay ka dhacay garoonka Stamford Bridge ayaa waxaa Bl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kullan xiiso badan oo dhex maray kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa soo idlaaday. Tottenham ayaa lugtii hore ee wareegga Semi-Final-ka tartanka Carabao cup kusoo adkaatay 1-0. Balse kullankii xalay ka dhacay garoonka Stamford Bridge ayaa waxaa Blues ay kusoo gashay qaab ciyaareed heer sare ah. N'Golo Kante ayaa daqiiqaddii 27-aad ee ciyaarta dhaliyay goolka koowaad ee Chelsea, waxaana isla qaybtii hore ee ciyaarta kusoo idlaatay 2-0, ka dib markii Eden Hazard uu dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta daqiiqaddii 38-aad.

Markii dib la isugu soo laabtay ayay Spurs goolka madiga ee kullankii caawa, iyo kii barbarraha ee isku celceliska dhalisay, waxaana madax qurux badan dhaliyay Fernando Llorente daqiiqaddii 50-aad.

isku celceliska labada kullan ayaa ku idaalday 2-2, waxaana xeerka kullanka uu yahay inaan la xisaabin doonin goolka bannaanka, sidoo kalena uusan jirin waqti dheerri ah.

Sidaas darteed, rigooreyaal ayaa la tuurtay, waxaana Chelsea ay ku adkaatay 4-2




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip