WARBIXIN ku Saabsan Xaaladihii ay Soomaaliya soo martay Tan iyo Markii uu Burburku Dhacay

0
Saturday January 23, 2016 - 10:49:17 in Maqaallo by
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    WARBIXIN ku Saabsan Xaaladihii ay Soomaaliya soo martay Tan iyo Markii uu Burburku Dhacay

    Somalia waxay soo martay marxalado kala duwan laga soo billaabo sanadkii 1991-kii - 2012-kii waxay soo martay marxaladokala duwan taasoo aan suuro-gal ka dhigin in loo yagleelo hay'adihii Qaran sidii la rabay, taasoo ay sabab u tahay dagaalladii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia waxay soo martay marxalado kala duwan laga soo billaabo sanadkii 1991-kii - 2012-kii waxay soo martay marxaladokala duwan taasoo aan suuro-gal ka dhigin in loo yagleelo hay'adihii Qaran sidii la rabay, taasoo ay sabab u tahay dagaalladii wajiyada badnaa ee lasoo maray xiliyadaas,
dhaawacna gaarsiiyay dalka iyo dadka iyo Diinta, balse marnaba meesha kama bixin baahida shacabku u qabaan soo celinta hay’adihii Qaranka si loo helo adeegyadii kala duwanaa, ayay Madaxda Qaranku waxay dadaallo badan ku bixiyeen sidii loo badbaadin lahaa dalka cid-kasta oo is-hortaag-ku-sameynaysa dowladnimada Somalia.

Haddaba, waxaa xusid mudan in xilligii KMG-ka aysan Soomaaliya ka muuqan fagaaraha caalamiga ah, taasoo ay sabab u ahayd laba arin oo kala ah: Beesha caalamka oo ka sii jeeday Somalia & hay’adaha Qaranka oo aan kasoo kabsanin burburkii ku dhacay.



 HORUMARKA MAANTA;Laga soo billaabo sannadkii 2012-kii Soomaaliya waxay ka baxday xilligii KMG ahaa, waxaana u furmay albaabbo cusub oo u hor-seeday dalka soo celinta iyo dhisidda hay’adaha kala duwan ee Qaranka, inkastoo ay weli jiraan Caqabado la taaban karo, haddana waxay dowladda federaalka Soomaaliya hirgalay arrimaha soo socdo:

1. Somalia oo ka baxday xilligii KMG-ka, noqotayna dowlad dhameystiran oo soo ceshatay maqaamkii ay Caalamka ku lahayd.

2. Soomaaliya oo ka baxday magaca dowladaha fashilmay (Failed States) ee aan kasoo kaban dagaallada sokeeye, waxaana ku dhawaaqay arintaasi wakiilkii hore ee Qaramada Madoobay ee Somalia Nicholas Key, isagoo xusay inay Soomaaliya u gudubtay marxalad cusub oo hor-u-socod leh iyo maamul wanaag iyo amni ku dhisan.

3. Yagleelidda Nidaamka Federaalka ah; sida sameynta maamul-goboleedyada kala ah; Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo kuwa hadda Gacanta lagu hayo, taasoo ka mid tahay arrimaha siyaasada dowladda ee baahinta maamulka si ay dadku uga qayb-qaataan dib u dhiska hay’daaha Qaranka heer deegaan iyo heer gobol.

4. Horumarka Amniga; Ciidamada Somalia oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ayaa ku guuleeysteen inay ka saaraan Al-shabaab gobolladii fara-ku-tiriska ahaa ee gacantood ku jiray, taasina waxay horseeday in degenaasho la helo ay sidii hore kusoo laabato nolosha, qaraxyada iyo weerarrada mararka qaarkood ay Al-shabaab la beegsadaan goobaha shacabku ku badan yihiin saameyn kuma aysan yeelan horumarka dowladnimo; waxaana xusud mudan inay jiraan dowlado aad uga khatar badan Soomaaliya xagga Amaanka; sida Dalalka Suuriya, Yaman iyo Ciraaq.

5. Dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka Soomaaliya, waxaa ka mid ah horumarka la gaaray in dowladda federaalka ay ku guuleysatay in dib-u-dhis iyo dib u habeen lagu sameeyay ciidamada Qaranka tayo iyo tiro ahaan, la iskuna dhafay ciidamo kala jooga gobollada kala duwan oo Somalia ah, taasoo muujinayso Astaamaha Qarannimo, isla markaana billow fiican u ah in ciidamadu hantaan amniga dalka iyo xuduudihiisa.

6. Tallaabooyinka horay loo qaaday ayaa waxaa ka mid ah soo celinta Xiriirradii siyaasadeed ee Soomaaliya ay la lahayd Caalamka, iyadoo dowlado badan ay ku dhiirradeen inay safaaradahoodii dib uga furtaan Muqdisho, sidoo kalena, waxaa soo muuqatay doorkii ay Somalia la lahayd heer ee gobol iyo caalamiga, taasina waxay keentay in Somalia soo ceshato kaalintii siyaasadeed iyo xiriirradii guud ee arrimaha dibadda.

7. Ansixinta sharciyo kala duwan iyo guddiyo Qaran; Dowladda Somalia waxay dhistay guddiyo Qaran oo kala duwan kuwaasoo kala ah; gudiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka, guddiga xuduudaha iyo federaalka iyo guddiga dib u eegista dastuurka. Sidoo kale waxaa la ansaxiyay sharciyo heer Qaran ah sida sharciga guddiga garsoorka, Xeerka Saxaafadda, sharciga danbiyada abaabulan iyo sharciga xuquuqda caruurta iyo sharciga maal-gashiga waddanka.

8. Abuuris fursado shaqo; Dowladdu waxay ku guuleysatay inay abuurto fursada shaqo oo ay ka faaiideeysteen boqollaal Muwaaddiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo tartan u galay inay ku biiraaan hay’adaha kala duwan ee Qaranka si ay u buuxiyaan kaalinta kaga aaddan dhismaha dalkooda una helaan daryeel ku filan. Horumarkan waxaa sabab u ah muwaaddiniintii oo arkay in hay’adihii Qaranka ay si tartiib-tartiib ah u hana-qaadayaan; taasna waxay abuurtay kalsoonida dadku ay ku qabaan shacabka dowladooda.

9.Hanashada aayo ka talinta arrimaha Somalia. Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysatay inay gudato waa jibaadkeeda kaga aaddan dalka go’aamana ay gaarto, iyadoon u baahnayn fara-gelin shisheeye, mararka qaarkood saaxiibada Somalia inay ku garab istaagaan waxayaabaha ay u baahan tahay in farsamo ahaan wax lagala qabto.

10. Koboca magaalada Muqdisho; Caasimadda Somalia waxay gashay kaalinta labaad ee xagga koritaanka magaalooyinka caalamka, iyadoo kaalinta koowaad eey gashay magaalo ku taalla dalka Indonesia, arrintaas oo ay xaqiijisay hay’ad cilmi-baaris oo laga leeyahay Mareekanka, iyadoo horumarka iyo dhismaha ka socda Muqdisho sabab uga dhigtay inay kaalinta labaad gasho.

11. Maalgashiga Shisheeyaha; Waxaa Sannadihii u dambeeyay Soomaaliya ka billowday maal-gashi shisheeye, iyadoo waddamo badan oo Somalia xiriir la leh ay daneynayaan inay maalgashadaan dalka, waxaana laga xusi karnaa Turkigaoo maal-gashi ku sameeysay goobo kala duwan; sida Dekedda iyo Garoonka Muqdisho iyo weliba xarumo caafimaad iyo wax barasho iyo dowlado kale oo ku howlan maal-gashiyadaas oo kale.

12. Is-bedelka fikirka Siyaasiga ah ee Soomaaliya; Haddii ay shalay jirtay in dadku ku kala baxayeen qori caaradii, awood & gacan-qaad markuu is-maan-dhaaf siyaasadeed yimaado. Maanta waxaa jira isbedel siyaasadeed oo dhab ah oo keenay in la doodi karo, la wadahadli karo; iyadoo sharciga la ilaalinayo qof kastana xaq u leeyahay inuu soo bandhigo aragtidiiisa iyo moowqifkiisa; taasina waxay billow fiican u noqotay in la yagleelo Axsaab Siyaasadeed oo kala duwan uu ka dhexeeyo tartan siyaasadeed ku aaddan maamulka dalka.

GABA-GABADII:Horomarku intaas kuma eka, balse intaas ka balaaran oo halkan aan lagu soo koobi karin; Soomaaliyana waxay qaadday dhabbihii horumarka iyo dib u dhiska dalka; waxaana horumarrro ku socdaan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta kaabayaasha bulshada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

XIGASHO:-HIIRAAN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip