Labo Tallo iyo wixii Maanta dhacay!!!

0
Thursday January 24, 2019 - 20:48:25 in Wararka by
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo Tallo iyo wixii Maanta dhacay!!!

    Muxaafid: iyada oo maanta uu yimid Dalka Wafdigii ugu ballaarnaa 2019 Ka, oo Ka socda Wadamo iyo Hayado farabadan. Ma haboono wafdi intaa la eg in uu hor fadhiisto Hal Qof oo kaliya, waxaa haboon in xubna badan oo Ka socdo dhinaca somalidu ey hor f

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxaafid: iyada oo maanta uu yimid Dalka Wafdigii ugu ballaarnaa 2019 Ka, oo Ka socda Wadamo iyo Hayado farabadan. Ma haboono wafdi intaa la eg in uu hor fadhiisto Hal Qof oo kaliya, waxaa haboon in xubna badan oo Ka socdo dhinaca somalidu ey hor fadhiistaan. Maan kaa maqan maskax walaalkaa ayuu Ku jiraa. Dhinacaaga buuxi, waa iga Talo.F.S: 1aad.

Mucaarad:

Dhinaca kale Isla Maanta waxaa Dalka lagu casuunay, Dowlado iyo Ganacsato Rabo in ey Ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo maalgashiga Dalka, Lana kulmaan Hayadaha dowliga ah iyo kuwa madaxa banaan oo ey ugu horeeyaan Bangiyadu.

Si loo carqaladeeyo, hadafka Dowliga ahna looga hor yimaad ayaa mid Ka mid ah Bangiyada Dalka ugu weyn- Premier Bank hortiisa qarax laga sameeyay.

Ganacsatda iyo kuwa Ku mucaaradayo Arrintaa oo leh dano dhaqaale , waxa aad Curyaamineeysiin ma ahan Dowlad ee waa Dadweeyne doonayo dib u dhiska Dalka. Qarax siyaasadeed waan soo arragnay ee Ganacsatooy Qarax dhaqaale ha noogu darina.Adiga oo Dowlad Ku xumeey is leh, Dadka ha curyaamin. F.S: 2aad.

FG: waan ogahay in ey joogaan kuwii haddii aad Hindhisto Ku lahaa waxaad tahay Mucaarad ama Muxaafad.

Waa iga Talo.Arragtidaadana xur ayaad u tahay ee wixii iga khaldan iga sax.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip