Sevilla oo cashir u dhigtay Barcelona

0
Thursday January 24, 2019 - 20:31:22 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sevilla oo cashir u dhigtay Barcelona

    Kooxda Barcelona ayaa xalay gobolka Andalusia kala soo laabatay guuldarro kaddib marki ay 2-0 kusoo garaacday kooxda Sevilla ciyaar ka tirsaneyd is araga koowaad ee wareega sideeda ee tartanka Copa del Rey. Sevilla waxay labada gool dhaliyeen qeyb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaa xalay gobolka Andalusia kala soo laabatay guuldarro kaddib marki ay 2-0 kusoo garaacday kooxda Sevilla ciyaar ka tirsaneyd is araga koowaad ee wareega sideeda ee tartanka Copa del Rey. Sevilla waxay labada gool dhaliyeen qeybti danbe ee ciyaarta, waxaana u kala dhaliyay Pablo Sarabia iyo Wissam Ben Yedder, waxaana hadda Barca sugeysa shaqo adag is araga labaad oo ka dhici doona garoonkeeda Nou Camp ee magaalada Barcelona.

Kooxda Barcelona oo shalay ku dhawaaqday in ay 90 milyan oo yuro kula soo wareegtay laacibka da’da yar ee kooxda Ajax ee dalka Holland Frenkie de Jong, ayaa waxaa ka maqnaa xidigooda Lionel Messi oo aanan kooxda soo raacin, sidoo kale waxaa kursiga keydka lagu billaabay laacibibiinta kala ah Luis Suarez iyo Philippe Coutinho, hase yeeshee waxaa safnaa Kevin-Prince Boateng oo kooxda kusoo biiray Tallaadi aanu kasoo gudubnay.

Si ay ugu gudubto wareega semi-finalka Barca waxay u baahnaan doontaa in ay Arbacada ugu yaraan 3-0 uba badiso Sevilla.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip