Real Madrid oo noqotay kooxda ugu dhaqaalaha badan Yurub
Kooxda Real Madrid iyo Barcelona ayaa noqday labada koox ee ugu dakhliga badanaa Yurub sannadki tagay ee 2018-ki, iyaga oo booskaasi kala baxay kooxda Manchester United oo in muddo ah aheyd kooxda ugu dhaqaalaha badan Yurub.
Qiimeynta sannadlaha ah ee ay sameyso shirkadda Deloitte ayaa lagu soo bandhigaa 20-ka koox ee ugu dakhliga wanaagsanaa sannadkiiba dhinaca Yurub.
Real Madrid ayaa kaalinta koowaad kusoo laabatay marki ugu horreysay tan iyo sannadki 2015-ki, iyadoo dakhligi u soo xarooday sannadki hore uu gaaray 750.9 oo million oo euros.
Barcelona ayaa soo xareysay dakhli dhan 690.4 million oo euros, waxay kor uga soo kacday 648.3 million oo Yuro oo ay sameysay sannadki 2017-ki.
Manchester United, oo kaalinta koowaad ku jirtay sannadki hore, ayaa in yar hoos ugu dhacday 666 million oo euro halka sannadki hore uu dakhligeedu ahaa 676.3.
Ma jirto koox Talyaani ah oo soo gashay 10-ka ugu dakhliga badan Yurub, Juventus ayaa ku jirta kalainta 11-aad, halka Bayern Munich ay tahay kooxda kaliyah ee matalaysa Jarmalka.
Real Madrid oo noqotay kooxda ugu dhaqaalaha badan Yurub
Kooxda Real Madrid iyo Barcelona ayaa noqday labada koox ee ugu dakhliga badanaa Yurub sannadki tagay ee 2018-ki, iyaga oo booskaasi kala baxay kooxda Manchester United oo in muddo ah aheyd kooxda ugu dhaqaalaha badan Yurub. Qiimeynta sannadlaha ah