No More fake Diaspora!!!! (Qormo Xiisa Badan)

0
Wednesday January 23, 2019 - 23:48:03 in Wararka by
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    No More fake Diaspora!!!! (Qormo Xiisa Badan)

    Hor dhac. Waxaa ila soo Xiriiray Dhalinyaro xog ka ururineysay, Arrimaha Dalka ka jiro iyo Doorka Qurba joogta, waxayna iga Codsadeen in aan wax ku kordhiyo. Hoos ka fiiri Qoraalkii ay ii soo Direen sida uu u qoran yahay. ((Wallaal Qurbajoog w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hor dhac. Waxaa ila soo Xiriiray Dhalinyaro xog ka ururineysay, Arrimaha Dalka ka jiro iyo Doorka Qurba joogta, waxayna iga Codsadeen in aan wax ku kordhiyo. Hoos ka fiiri Qoraalkii ay ii soo Direen sida uu u qoran yahay. ((Wallaal Qurbajoog warbixintaan ma khuseyso siyaasad iyo koox gaar ah , waa warbixin guud oo lagu raadinaayo in lagu badbaadiyo Dalka iyo Dadka soomaaliya. Sida Xog-uruurinto muujineyso, Qurbajoogta Dalka ku soo laabaneyso waxa ay u badanyihiin kuwo ku fashilmay Nolosha waddamada ay ku noolaayeen. Xog uruurintu waxa ey ka soo bilaabatay Shirkii Carte ee Sanadkii 2000, Cilmi baaristaan waxaa lagu eegay tiradii Qurbajoog ee ka qeybgalay dhinacyada Siyaasadda , Dhaqaalaha iyo Bulshada iyo doorkii ey ku lahaayeen Siyaasadda, Nabadda iyo Hurinta collaadaha.


xog-uruurinta waxaa kale oo lagu ogaanayay kaalintii ey Qurbajoogtu ku lahaayeen Shirkii Impegati iyo xilalkii ay ka heleen, sidoo kale Dhaqdhaqaaqii Maxkamadaha, Shirkii Jabouti ee mideyntii Maxkamadaha iyo Xukumadii federalka ee ku meel gaarka, Dowladdii 2012 iyo midda hadda jirtaba.

Waxaa xog uruurinta diiradda lagu saartay uruurinta tirada Xildhibaan, wasiir, Taliye Ciidan, Agaasime, Gudoomiye Gobol iyo Degmo oo ay qurbajoogtu heleen. Xog-uruurintii hor dhaca aheyd waxaa lagu wareeystay 15 Siyaasi, 25 Ganacsade, 30 oday dhaqan, 25 Haween iyo 20 heyado samafal.

Xog-uruurinta natiijadeeda waxaa ka soo baxay talooyin fara badan sida:

In qurbajoogtu Xaq u leeyihiin in ay Dalkooda ku soo laabtaan, Aqoonta iyo kartida Dadnimo ay leeyihiina ugu faa’iideeyaan shacabka, ayna u tartami karaan Xil kasto. Laakin waa in la sameeyo sharci qeexayo habraaca laga doonayo Qurbajoog kasta oo Dalka ku soo laabanayo.

Talo soo jeedintu waxa ay u badneyd: waxaa jira Qurbajoog badan oo soo noqotay kadibna bilaabay Ganacsi kana soo hooyay Guulo la taaban karo, laakin halka dhibaatadu ka taagan tahay waa matalaadda Siyaasadda iyo Maamulka. Waxayna soo jeediyeen :

1. In Qurbajoogii xil u tartamayo ama loo magacaabayo uu soo Gudbiyo Warqada Asluub wanaaga deegaanka uu ka yimid soona mariyo tasdiiqin .

2. In la soo gudbiyo warbixinta jaantuska dhaqaalaha Qurba jooga, Dakhliga dhaqaale uu helo, Canshuuraha uu dhiibi jiray. Arrintaan waxaan hubnaa in ay soo dhawey doonaan Qurba joogta isku kalsoon, kuwa ku Fashilmay Nolasha Qurbuhuna ay ka buuqi Doonaan.

3- in uu soo gudbiyo Shahadadiisa heerka wax barasho oo tasdiiqsan iyo cinwaanka halka laga soo siiyay Shahaadada.

4- in uu soo gudbiyo warqad tixraac ah meelihii uu ka soo shaqeeyay iyo khibradiisa shaqo oo tasdiiqsan)).

FG: i aamin qoraalkan anigu ( yaxya ) ahaan ma qorin, waxaa WhatsApp-ka waxaa igu soo diray qolo Somali ah oo xog ururiso ,waxa eyna iga codsadeen in aan wax ka saxo, asaxaabtana aan la wadaagi karo. Maxaad adiguna ku kordhin la heyd.

Xog ururinta oo dhameystiran ayaa mar dhaw soo bixi doonta sida ey ii sheegeen.

Soo gudbiye : yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip