Man City oo isaga baxday tartanka loogu jiro De Jong, iyo xiddigga oo ugu dambeyn hal koox doortay!
Ugu dambeyn, sheekadii Frenkie De Jong ayaa u muuqata mid dhinac u dhacday, iyadoo wararka ka imaanaya dalka Spain ay tibaaxayaan in uu Barcelona aqbalay, kuna biirri doono.
Laacibka farsamada badan ayaa bartilmaameed u ahaa kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Europe, si gaar ah Barcelona, Paris Saint-Germain iyo Manchester City.
Hase ahaatee, Man City ayaa si cad u sheegtay inay isaga baxeen loollanka loogu jiro saxiixa De Jong.
Macallin Pep Guardiola ayaa sheegay in xiddigga Ajax uu yahay midka ugu haboon ee ay lasoo saxiixan lahaayeen si uu beddel ugu noqdo Fernandinho, balse ay baadi goob u geli doonaan beddelkiisa sidii ay kusoo heli lahaayeen.
Lacag dhan £80m ayaa lagu soo warramayaa inuu Barcelona ugu biirri doono marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan, iyadoo uu De Jong soo dhoweeyay u dhaqaaqista Camp Nou.
Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa diyaar u ah inay saxiixa xiddiggan ku dagaallamaan illaa daqiiqadda ugu dambeysay mustaqbalkiisa.
Man City oo isaga baxday tartanka loogu jiro De Jong, iyo xiddigga oo ugu dambeyn hal koox doortay!
Ugu dambeyn, sheekadii Frenkie De Jong ayaa u muuqata mid dhinac u dhacday, iyadoo wararka ka imaanaya dalka Spain ay tibaaxayaan in uu Barcelona aqbalay, kuna biirri doono. Laacibka farsamada badan ayaa bartilmaameed u ahaa kooxo badan oo ka dhis