Diyaarad Uu Saarnaa Ciyaaryahan Ka Tirsan Horyaalka Premier League-Ga Oo La Waayay

0
Wednesday January 23, 2019 - 00:10:06 in Wararka by
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Uu Saarnaa Ciyaaryahan Ka Tirsan Horyaalka Premier League-Ga Oo La Waayay

    Mid ka mid ah ciyaartoyda ku biiray horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa la socday diyaarad nooca yar yar ah oo la waayay xilli ay ku duuleysay hawada jasiiradaha Channel Islands. Emiliano Sala oo ah weeraryahan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah ciyaartoyda ku biiray horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa la socday diyaarad nooca yar yar ah oo la waayay xilli ay ku duuleysay hawada jasiiradaha Channel Islands. Emiliano Sala oo ah weeraryahan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka jooga £15malyan oo gini ayaa ka mid ahaa 2 ruux oo la socotay diyaaraddaas la la'yahay tan iyo habeenimadii ay Isniinta sii baxeysay.

 
Ciyaartoygan 28 jirka ah oo u dhashay dalka Argentina ayaa ka tirsanaa kooxda Cardiff City oo ku jirta horyaalka heerka koowaad ee dalka Ingiriiska.

Maamulka kooxda Cardiff City, oo Sabtidii laacibkan lacagtii ugu badneyd abid uga soo iibsatay kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Nantes ayaa sheegay in ay "aad uga naxeen” warka ku saabsan diyaaradda uu la socday ee luntay.

Booliska jaziiradda Guernsey ayaa sheegay inuusan jirin wax tix raac ah oo horseedi kara halka ay ku dambeyso diyaaraddaas oo ku wajahneyd magaalada Cardiff.

Qoyska ciyaartoygan ayaa sheegay iney aad ula murugeysan yihiin dhacdadan lama filaanka ku noqotay.

Sala aabihiis oo lagu magacaabo Horacio ayaa telefishinka Argentine TV channel C5N u sheegay inuu qof saaxiibkiis ah ka maqlay warka ku saabsan wiilkiisa.

"Anigu waxba kama ogeyn arrintan. Ma rumeysan karin aad baana u niyad jabsanahay, waxaan rajeynayaa in wax walba ay hagaagi doonaan”, ayuu yiri.

Dhinaca kale John Fitzgerald oo ah madaxa hoggaaminaya howlgalka lagu raadinayo diyaaraddan ayaa sheegay in ay "aad u yar tahay suurtagalnimada lagu heli karo qof ka nool labadii ruux ee la socotay diyaaraddaas”.

"Waxay ila tahay iyadoo cimilada badda ay sidan tahay iney adagtahay helitaanka qof nool oo xaaladdan cimilada ah ka badbaadi kara”, ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in hadda cimilada badda ay aad u qabowdahay, qofkii aan si dhakhso ah looga gaarinna ay durba soo wajaheyso kahatar dhimasho ah.

XIGASHO BBC SOMALI




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip