Natiijooyinka Horyaalka Talyaaniga

0
Monday January 21, 2019 - 22:16:20 in Wararka by
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinka Horyaalka Talyaaniga

    Saddex isbuuc oo fasax ah kaddib waxaa todobaadkaan dib u soo laabtay horyaalka Seria A. Kooxda kaalinta labaad ku jirto ee Napoli waxay lix dhibcood oo qura u soo jirsatay hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus, ka gadaal marki ay xalay 2-1 ku martay L

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex isbuuc oo fasax ah kaddib waxaa todobaadkaan dib u soo laabtay horyaalka Seria A. Kooxda kaalinta labaad ku jirto ee Napoli waxay lix dhibcood oo qura u soo jirsatay hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus, ka gadaal marki ay xalay 2-1 ku martay Lazio. Goolasha waxaa Napoli u kala dhaliyay Jose Callajon iyo Arkadus Milik. Lazio waxay ciyaarta ku dhameystay 10 laacib kadib marki kaarcka cas loo taagay Francesco Acerbi oo difaaca ka ciyaara. Waxay aheyd marki ugu horreysay oo kaarka cas la siiyo ciyaaryahankaan kaddib 162 kulan oo isku xiga oo uu ciyaaray. Kooxda Juventus ayaa kordhin karta farqiga dhibcaha ay horyaalka ku hogaamineyso haddii ay caawa ka badiso Chievo.

Roma waxay 3-2 uga badisay Torino, waxaana goolka guusha aakhirkii u saxiixay ciyaaryahanka asal ahaanta kasoo jeeda dalka Masar ee Stephen Al Shaarawy.

Labo ka mid ah ciyaarihi ugu xiisaha badnaa horyaalka Talyaaniga waxay noqdeen kuwi Axadi shalay dhex maray kooxaha Atalanta oo 5-0 uga badisay Frosinnone iyo Fioerntina iyo Sampdoria oo ku kala baxay barbarro 3-3. Labadaas kulan waxaa kasoo iftiimay laba laacib oo u dhashay dalka Colombiya kuwaas oo kala ah Duvan Zapata iyo Luise Muriel.

Zapata oo weerarka uga ciyaara Atalanta wuxuu dhaliyay afar ka mid ah 5-ti gool ee ay Atalanta ku badisay, isaga oo sidaasina kaga mid noqday saddexda laacib ee hadda isla hogaaminaya gooldhalinta horyaalka Talyaaniga. Min 14 gool ayay isla wada leeyihiin isaga Cristiano Ronaldo iyo Fabio Quagliarella.

Luis Muriel wuxuu noqday xidigii garoonka ee ciyaarti ay kooxdiisa Fioerntina ay la dheeshay kooxdiisii hore ee Sampdoria kadib marki uu dhaliyay laba gool oo aad u qurux badnaa.

Ciyaarihi kale, Inter waxay bareejo 0-0 ah ku kala baxeen Sassuolo. Parma waxay 2-1 ku qabatay Udinese. Goolka guusha waxaa u dhaliyay laacibka dalka Ivory Coast Genvinho. SPAL iyo

Bologna waxay kala qeybsadeen bareejo 1 – 1 halka Cagliari

Iyo Empoli ay ciyaartoodii kusoo dhamaatay 2-2. Milan waxay caawa fiidkii la dheeli doontaa kooxda Genova waxaana ka maqan gooldhaliyahooda caanka ah Gonzalo Higuaiin oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ku biiro kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip