Faahfaahinta Horyaalka Ingiriiska ee Todobaadka

0
Monday January 21, 2019 - 22:06:10 in Wararka by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahinta Horyaalka Ingiriiska ee Todobaadka

    Horyaalka Premier League Ingiriiska, todobaadkaan waxaa wada badiyay dhamaan kooxaha waaweyn marka laga reebo Chelsea oo jab kala soo laabatay garoonka Emirates ee kooxda Arsenal Sabtidii kadib marki looga badiyay 2-0. Arsenal waxay Chelsea gaba gab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horyaalka Premier League Ingiriiska, todobaadkaan waxaa wada badiyay dhamaan kooxaha waaweyn marka laga reebo Chelsea oo jab kala soo laabatay garoonka Emirates ee kooxda Arsenal Sabtidii kadib marki looga badiyay 2-0. Arsenal waxay Chelsea gaba gabeysay qeybti hore ee ciyaarta, waxaana goolasha u kala dhaliyay labada laacib ee u dhashay dalka Faransiiska Alexandre Lacazette iyo Laurent Koscielny. Guushaas waxay soo nooleysay rajadi ay Arsenal ka laheyd in ay uga midnoqoto afarta koox ee ugu sarreyso horyaalka.

Arsenal waxay hadda kaalinta afraad oo ay ku jirto Chelsea usoo jirsatay 3 dhibcood iyada oo leh 44 dhibcood. Laakin waxaa wali lasoo qaba la’yahay hogaamiyaasha horyaalka ee Liverpool oo Sabtidii ciyaar xiiso iyo xamaasad laheyd oo la iska dhaliyay 7 gool la dheeshay kooxda Crystal Palace.

Ciyaarta oo ka dhacday magaalada Liverpool waxaa 4-3 ku badisay Liverpool, labo ka mida goolasha waxaa saxiixay laacibka reer Masar Maxamed Salah oo hadda 16 gool ku horkacaya gooldhalinta horyaalka Ingiriiska oo xilli ciyaareedki lasoo dhaafayna isaga ku guuleystay.

Liverpool waxay 4 dhibcood ka sarreysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City oo Axadi shalay 3-0 uga badisay kooxda Huddersfield Town. Waxaa goolash u kala dhaliyay Dannilo, Sterling iyo Sane. Goolkii sadexaadna wuxuu ahaa kii boqlaad ee ay City ka dhaliso xilli ciyaareedkaan horyaalka Premiership-ka.

Manchester United ayaa ka mid ahaa kooxihi guulaha muhiimka ahaa soo xareeyay Sabtidii. United waxay 2-1 ku dubatay Brighton & Hove Albion. Waxaana ay aheyd guushii lixaad oo xiriir ah oo uu soo hooyay macallinka kumeel gaarka ah Ole Guner Soolsiye.

Macallinkaan u dhashay dalka Norway ayaa noqday tababarihi ugu horreeyay ee soo mara taariikhida kooxda Man Utd oo wada badiyay lixdi kulan ee ugu horreysay kadib marka xilka loo magacaabay.

Kooxaha kale ee waaweyn ee badiyay horyaalka Ingiriiska todobaadkaan waxaa ka mid ah kooxda Tottenham oo xalay 2-1 uga badisay kooxda Fulham.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip