Sidee Frank Lampard uu Pogba kaga caawiyay inuu noqdo xiddig sare?

0
Sunday January 20, 2019 - 21:55:22 in Wararka by
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Frank Lampard uu Pogba kaga caawiyay inuu noqdo xiddig sare?

    Tan iyo markii shaqada tababarennimo ee Manchester United loo dhiibay Ole Gunner Solskjear inuu dhammeystiro inta ka dhiman xili ciyaareedkan, Paul Pogba ayaa waxa uu lasoo baxay qaab ciyaareed aad cajiib u ah. Sagaal gool oo isugu jira ayuu ku lu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii shaqada tababarennimo ee Manchester United loo dhiibay Ole Gunner Solskjear inuu dhammeystiro inta ka dhiman xili ciyaareedkan, Paul Pogba ayaa waxa uu lasoo baxay qaab ciyaareed aad cajiib u ah. Sagaal gool oo isugu jira ayuu ku lug yeeshay tan iyo bilawgii xukunka OGS, waxaana ka mid ah 4 caawin iyo 5 gool.

Taasi waxa ay noqotay mid soo jiidata indha adduunka, waxaana xusid mudan inuu tiigsanayo qaab ciyaareed waalli ah.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha u sahlay inuu dhaliyo goolal badan, ayaa waxa uu soo carrab qaaday magacyada Michael Carrick, Solskjear iyo Frank Lampard.

Waxa uu tilmaamay in macallinkiisa uu inta badan amro inuu soo gaaro diillinta ganaaxa kooxda kasoo horjeedda, horayna Carrick ayaa ugu sheegay sida uu u xaqiijiyau saxaafadda.

Waxa uu intaa raaciyay in tusaalihiisa ugu wanaagsan uu yahay Frank Lampard, waxaana halyeyga Chelsea uu ku tilmaamay mid uu kaga daydo ka qayb qaadashada weerarka, abuurista fursadaha iyo dhalinta goolasha.

Taasi waa saameynta dadban ee uu Lampard ku leeyahay xiddigga France iyo kooxda United ee Paul Pogba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip