Kenya oo shaacisay Hawaaneyda Hubka ka soo qaaday Soomaaliya ee lgu weeraray Nairobi.

0
Saturday January 19, 2019 - 13:15:56 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo shaacisay Hawaaneyda Hubka ka soo qaaday Soomaaliya ee lgu weeraray Nairobi.

    Warbaahinta Kenya ayaa waxaa ay shaaciyeen magaca haweeney Ciidanka Amnigu ku eedeeyeen in ay Soomaaliya ka qaaday hubkii Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Nairobi ku yaala talaadada Todobaadkii hore. Saraakiil ka Tirsan qaybta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Kenya ayaa waxaa ay shaaciyeen magaca haweeney Ciidanka Amnigu ku eedeeyeen in ay Soomaaliya ka qaaday hubkii Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Nairobi ku yaala talaadada Todobaadkii hore. Saraakiil ka Tirsan qaybta Argagixiso la dirirka ee Booliiska Kenya ayaa waxa ay ku guul dareeysteen in Maryan Cabdi ay ka soo xiraan Ceel doreet, koox kalena waxaa lo diray Magaaladda milindi, walina ma cadda in ay soo xireen iyo in kale, sida uu ku waramay the standard. Maryama waxaa la shegay in ay ka soo jeedo deegaanka Bondeni ee Mombasa waxayna isku xir muhiim ah u sameeysay qorsheeyey yaasha Weerarka iyo kuwii fuliyay oo la ogaaday in ay ka tirsanaayeen Amtiyaadka Al-shabaab ayuu Qoray Wargeeyska the standard.

Dhinaca kalena waxaa markii u horreeysay lamaha Amaanka ee Kenya ay ogaadeen aqoonsiga Ninkii isku qarxiyay hotel ka ay Al-shabaab Weerareen.

Waxaa uu ahaa 25 lagu magacaabijiray Maahir Khaalid Riziki waxuuna kazoo jeedaa tuulo hoos tagta Mombasa.

Boolliisku waxay sheegeen in Maahir Khaalid Al-shabaab ku biiray markii uu masaajid kula kulmay Ramadan Xasimi Kufunwa oo hadda ku sugan Soomaaliya kana barbarr Dagaalama Al-shabaab.

Dalka Kenya wali waxaa ka socda baaritaanka Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Dusit 2 ee Magaaladda Nairobi kaasi oo ay ku dhinteen 21 ruux, tiro ka bandanna ay ku dhawacmeen.

Baaritaanka waxaa ka qayb qaadanaya heey’ado caalami ah.

Jimcihii shalay ayaa waxaa maxkamad lasootaagay Shan qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lahaayeen Raggii Weerarka fuliyay.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip