Henry iyo Viera oo xalay iska horyimid
Kooxaha Monaco iyo Nice ayaa ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Leage One-ka France oo ay xalay dheeleen ku kala baxay bareejo 1-1 ah.
Xiisaha gaarka ah ee ciyaartan ayaa aheyd iyadoo laba naadi ay kala wateen laacibiintii hore ee xulka Faransiiska iyo kooxda Arsenal Thierry Henry iyo Patrick Viera.
Henrry ayaa leyliya Monaco, halka Viera uu hogaamiyo Nice. Labaduba waxay isla ciyaareen 313 kulan muddadi ay wada joogeen Arsenal waxana isla qaadeen laba horyaal.
Ciyaarti xalay waxaa goolka la hormartay Nice waxaana u dhaliyay Alan Saint-Maximin laakin waxaa bareejeeiyay Benoit Badiashile oo u ciyaara Monaco, waa kulanki afraad oo xiriir ah oo Monaco aysan wax guul ah ka keenin horyaalka France.
Ciyaarihi kale, ee xalay dhacay natiijooyinkoodii:
Guingamp 2 – 1 Rennes
Toulouse 2 – 2 Lyon
Nimes 1 – 0 Nantes
Saint-Etienne 2 – 1 Marseille
Henry iyo Viera oo xalay iska horyimid
Kooxaha Monaco iyo Nice ayaa ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Leage One-ka France oo ay xalay dheeleen ku kala baxay bareejo 1-1 ah. Xiisaha gaarka ah ee ciyaartan ayaa aheyd iyadoo laba naadi ay kala wateen laacibiintii hore ee xulka Faransiiska iyo k