Eto'o oo Faahfaahin Ka Bixiyay sababta macallimiinta madowga ah aysan guulo ugu gaarrin kooxaha Reer Yurub

0
Thursday January 17, 2019 - 21:02:51 in Wararka by
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eto'o oo Faahfaahin Ka Bixiyay sababta macallimiinta madowga ah aysan guulo ugu gaarrin kooxaha Reer Yurub

    Weeraryahankii hore ee Barceloma iyo Inter Milan, Samuel Eto'o ayaa waxa uu ka hadlay sababta keentay in macallimiinta midabka madowga leh aysan u noqonin kuwa saameyn ku yeesha kubadda cagta qaaradda Europe. Eto'o ayaa aaminsan in macal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahankii hore ee Barceloma iyo Inter Milan, Samuel Eto'o ayaa waxa uu ka hadlay sababta keentay in macallimiinta midabka madowga leh aysan u noqonin kuwa saameyn ku yeesha kubadda cagta qaaradda Europe. Eto'o ayaa aaminsan in macallimiinta madowga ah loo arko inay yihiin "muwaadiniinta heerka labaad" waxa uu ugu yeerray. Sheekooyinka cunsuriyadda ayaa waxa ay dib usoo noollaadeen ka hor maalmihii ciidda Christmas-ka, xilligaas oo ay taageeraaysha Inter Milan midab sooc ku aflagaaddeeyeen difaaca Napoli ee Kalidou Koulibaly. Waxaana Captain-kii hore ee Cameroon uu qiray inuu shaki badan ka qabo inuu noqdo macallin leyliya koox ciyaarta kubadda cagta, sabab la xiriirta midabka maqaarkiisa. "Qaar ka mid ah ciyaartoydii hore ee madowga ah ma doonayaan inay noqdaan tababareyaal, xittaa haddii ay jeclaayeen" ayuu ku sheegay warreysi uu siiyay Marca.

"Wey jiraan tababareyaal dhowr ah oo Africa kasoo jeeda, kuwaasoo shahaaddooyin iyo khibradba leh, balse iyagu ma helaan kalsooni la mid ah tan la siiyo kuwa aanan madowga ahayn.

"Tababareyaashaas midabkooda dartiis ayay u qalbi jabsanyihiin, maxaa yeellay waxaa loo arkaa inay yihiin heerka labaad ee muwaadiniinta.

"Aniga xilligeyga ciyaaryahannimo, waan ku dhex guuleystay Europe, waa inaan Europe ku wanaagsanaadaa anigoo macallin ah” ayuu Eto’o warkiisa kusoo xiray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip