Dowladihii Ugu Horeeyay Oo Ka Hadlay Weerarkii Hotelka Dusit

0
Thursday January 17, 2019 - 00:09:14 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladihii Ugu Horeeyay Oo Ka Hadlay Weerarkii Hotelka Dusit

    Kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka ee Kenya soo gebegebeeyeen weerarkii ay Dagaalamayaal Alshabaab ku qaadeen Hotel caan ah oo ku yaalla Bartamaha magaalladda Nairobi, ayaa waxay Warbaahinta dalkaasi sheegeen inay Dowlado badan taageero u muujiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka ee Kenya soo gebegebeeyeen weerarkii ay Dagaalamayaal Alshabaab ku qaadeen Hotel caan ah oo ku yaalla Bartamaha magaalladda Nairobi, ayaa waxay Warbaahinta dalkaasi sheegeen inay Dowlado badan taageero u muujiyeen Dowladda Kenye. Wargeyska Malainlaah ee Nation waxa uu qoray inay Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Shiinaha ka mid ahaayeen Dowladihii ugu horreeyey ee u soo diray Farriimaha Taageeradda markii ay 4 Dgaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo aad u hubeysnaa ay gudhaa u galeen Dhismaha Hotelka Dusit D2 Hotel. Danjiraha Maraykanka ee xilka ka sii degayo ee u jooga Kenya, Robert Gdek waxa uu sheegay inay bogaadinayaan Geesinimadda ay Ciiddanka Kenya ee ay ku soo gebagebeeyeen Weerarkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.


 
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku xusay inay Maraykanka cambaareynayaan weerarkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Hotelka Dusit D2 iyo inay tacsi u dirayaan dadkii ay dhibaataddu ka soo gaareen weerarkaasi.


Danjiraha UK u jooga Kenya, Nik Hailey waxa uu ballan qaaday in koox ka socota Ergadda UK u joogta Nairobi ka shaqeeyeen sidii ay Maamulayaasha Kenya uga fal-celin lahaayeen weerarkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inuu la hadlay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isla markanaa u muujiyey sida xooggan ee ay Dowladda UK maanta u garab tagaan tahay Kenya.

Danjiraha UK u jooga Kenya, Nik Hailey waxa uu saakayto oo Arbaco ah sheegay inay sii xirnaan doonto Dhismaha Safaaradda UK ee Nairobi, ilaa inta laga fal-celinayo weerarki iHotelka Dusit D2 Hotel..

Safaaradda Shiinaha ee Nairobi waxay iyagana Dowladda Kenya u direen Dhambaal Tagageero iyo inay garab taagan yihiin Dowladda iyo Dadka Reer Kenya.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu cambaareeyey Weerarkii Hotelka Dusit D2 , wuxuuna hakiyey Kulamo maanta ka dhici lahaa Nairobi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip