DFS Oo Sheegtay Inay Cadaadis Dibedeed Kala Kulmeen Go'aankii Dhexdhexaadnimadda Ee Khilaafka Dalalka Khaliijka

0
Wednesday January 16, 2019 - 22:39:11 in Wararka by
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DFS Oo Sheegtay Inay Cadaadis Dibedeed Kala Kulmeen Go'aankii Dhexdhexaadnimadda Ee Khilaafka Dalalka Khaliijka

    Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa arrinkaasi ku sheegay Wareysi dheer oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, oo uu kaga hadlay Xaalladda Somalia, Xiriirka Turkiga iyo Somalia, Khilaafka Khaliijka, Dib-u-soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa arrinkaasi ku sheegay Wareysi dheer oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, oo uu kaga hadlay Xaalladda Somalia, Xiriirka Turkiga iyo Somalia, Khilaafka Khaliijka, Dib-u-soo-laabashada Safaaradaha Shisheeyaha u joogay Somalia iyo Falkii lagu dilay Saxafigii Sacuudiyaanka ee Jamaal Axmed Khashoggi iyo arrimo kale. Wasiirka waxa uu sheegay inay Somalia wajahday Cadaadis Siyaasadeed iyo Xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Glabeed oo uusan carabaabin, balse uu sheegay in Cadaadiskaasi xiriir la leeyahay Go'aankii ay DFS dhedhexaadka kaga noqotay Khilaafkii Khaliijka. Waxa uu intaasi ku daray inuusan Cadaadiskaasi wax niyad jab ah u noqon doonin go'aanka ay DFS ka istaagtay arrintaasi, isla markaana uusan Go'aankaasi wax u dhimi doonin Xiriirka Somalia iyo dalalka uu tilmaamay inay Cadaadis Siyaasadeed ku hayaan Somalia. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, waxa kale oo sheegay inaysan doonaynin inay qeyb ka noqdaan Khilaafka u dhexeeya dalalka Walaalaha ee Khaliijka, taasina ay keentay Go'aanka Dhexdhexaadka ee Somalia, si xiriir dhow lala yeesho dalalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna xusay inuu Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn ee Isbahaysiga Istaraatijiyadeed ee Somalia.

Wasiir Cawad waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka DFS iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuusan xiriirkooda gaarsiinayn Heerkii la doonayey, balse waxa uu rajo ka bixiyey inuu xiriirkaasi dib u soo xoogeysan doono.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan horumar marka la barbar dhigo tan iyo markii uu Khilaafka Siyaasadeed ka dhex qarxay labada Dowladood bartamihii sannadkii 2018-kii.

Khilaafka Somaalia iyo Imaaraadka waxa uu dilaacay bishii April ee sannadkii hore, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka Garoonka Aadan Cadde ku qabteen Diyaarad laga lahaa Imaaraadka oo ay la socdeen 47 Askar Imaarati ah iyo shandado ay ku jireen Lacago cadadeeda lagu sheegay 9.6 million oo Dollar.

Dhinaca kale, Wareysiga uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anatolia Agency waxaa wax laga weydiiyey Aragtida DFS ee geeridii Saxafigii Sacuudiyaanka ee Jamaal Axmed Khashoggi, wuxuuna sheegay inaysan taageeraysnayn dilkaasi, balse ay is-garab taagayaan Midnimadda dalka Sacuudiga iyo inaan la faragelin Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip