Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay'adda UNICEF oo ka Daah furay Sahanka Qaran ee Nafaqada Yaryar Soomaaliya

0
Wednesday January 16, 2019 - 21:59:32 in Wararka by
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay'adda UNICEF oo ka Daah furay Sahanka Qaran ee Nafaqada Yaryar Soomaaliya

    Muqdisho:– Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta daah-rogtey Sahanka Qaran ee Nafaqada Yaryar ee Soomaaliya iyada oo ay la shaqeynayaan UNICEF iyo la-hawlgalayaal kale, Sahankan waakiiugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:– Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta daah-rogtey Sahanka Qaran ee Nafaqada Yaryar ee Soomaaliya iyada oo ay la shaqeynayaan UNICEF iyo la-hawlgalayaal kale, Sahankan waakiiuguhorreeyeyee mug lehoo la xiriira nafaqada ee uu dalku sameeyo tan iyo 2009kii.

"Afarta bilood ee soo socda, waxaan ururin doonnaa xog muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka, nafaqada iyo hab-dhaqankadadka ee xiriirka la leh nafaqada yaryar ee heer qoys taas oo gacan inaga siin karta in aan si ka wanaagsan sida hadda u fahamno xaaladda caafimaad iyo nafaqo ee carruurta iyo haweenka ee Soomaaliya,” ayay tiri Dr Fawsiya Abiikar, oo ah Wasiirka Caafimaadka.

"Waxaa laga yaabaa inay hawshu culus tahay, laakiin natiijooyinka ka soo baxaya ayaa ahaan doona kuwo u qalma dadaalka lagu bixinayo: waxay ina siin doonaan macluumaad wanaagsan oo ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad ee ina haysta, waxaana ay gacan innaga siin doonaan in aan la nimaadno istiraatiijiyado ka habboon kuwa hadda, kana kharash yar oo lagu dhisayo dadweyne caafimaad qaba, oo nafaqadoodu wanaagsan tahay maanta iyo ummad baraare ku nool berri.”

Nafaqada yaryar, sida maaddada ayodhiinta (iodine), fitamin A iyobirta (iron), ayaa ah waxyaabaha aasaasiga ah ee dhisaya caafimaad wanaagsan. Yaraanta ay maaddooyinkan ku yar yihiin jirka ayaa halis weyn ku ah caafimaadka iyo koboca ee dadweynaha, gaar ahaan carruurta iyo haweenka uurka leh, waxaana ay taasi saameyn weyn ku leedahay saameyn ba’an oo muddada fog oo ay ka mid tahay in aanay si buuxda u xaqiijin awooda hoodii garasho, bulsho iyo dhaqaale ee ay lahaayeen. Cilmibaaris la sameeyey ayaa muujisey iyo yaraan sahana farqada yaryar ay hoos u dhigeyso awoodda waxbarasho iyo wax-soo-saarka shaqo iyo inay si ba’an hoos ugu dhigi karto dakhliga qofka, qoyska iyo dalka.

"UNICEF waxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku bogaadineysaa hoggaanta ay hoggaamineyso Sahanka.


Tani waxay ka dhigan tahay tallaabo weyn oo loo siiqaaday sii wanaajinta xaaladda caafimaad iyo nafaqo ee carruurta iyo haweenka dalka,” ayuu yiri Jesper Moller, oo ah Ku-simaha Wakiilka UNICEF Somalia.

"Waxaa sharaf weyn inoo ah inaan qayb ka nahay hawshan. Waxaan dhammaan wada-hawlgalayaasha caafimaadka ugu baaqeynaa inay sii wadaan maalgelinta xog-ururintasi ay gacan inooga siiso inaan si sax ah u qiimeyno oo aan wax uga qabanno baahiyaha caafimaad iyo nafaqo ee carruurta, Markaaan sidaa sameyneyno waxaan gacan ka geysaneynaa dhisidda shaqaale xooggan oo caafimaad qaba iyo aasaaska dhaqaalaha Soomaaliya.”

Tan iyo 2010kii, Wasaaradda Caafimaadka, UNICEF iyo la-hawlgalayaashooda ayaa ka wada shaqeeynayey dadaallo badan oo muhiim ah oo la xiriira nafaqada yaryar, oo ay ka mid tahay in sanadkiiba laba jeer fitamiin A dheeri ah la siiyo carruurta ay da’doodu u dhaxayso 6-59 bilood, nafaqo-yaryar oo badan oo dheeri ah oo la siiyo haweenka uurka leh iyo kuwa carruurta nuujinaya, in qoysaska la siiyo budada nafaqada yaryar ay ku badan tahay, iyo dhiirrigelinta nafaqada yaryar iyo naas nuujinta iyadaoo loo marayo barnaamijka Quudinta Carruurta Yaryar iyo Carruurta Roon-roon / Infant and Young Child Feeding (IYCF) programme.

Sahanka wuxuu muhiimad weyn u leeyahay sii wanaajinta dadaalladan iyo gacan ka geysashada diyaarinta jawaab
isku dhafan oo la bixiyo si wax looga qabto yaraanshaha nafaqada yaryar ee Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip