Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo soo saaray amar culus

0
Wednesday January 16, 2019 - 21:47:28 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo soo saaray amar culus

    Wareegto amar ah oo luqada Ingiriiska ku qoran uuna soo saaray madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagaga joojiyay wasiirada xilka sii haya ee Xukuumadii Cabdiweli Gaas in ay galaan wax heshiis ah. Waxaa wasiirada lagu amra

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto amar ah oo luqada Ingiriiska ku qoran uuna soo saaray madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagaga joojiyay wasiirada xilka sii haya ee Xukuumadii Cabdiweli Gaas in ay galaan wax heshiis ah. Waxaa wasiirada lagu amray in aynan gelin wax heshiis ah, waxaana sidoo kale lagu wargeliyay in aynan cidna xil u magacaabi karin, sidaas si lamid ahna aynan dalacsiin karin shaqaalaha kala duwan ee Maamulka Puntland.

Ilsa warqadaasi ayaa waxaa lagu hakiyay heshiisyadii xukuumadii hore ee Puntland ay kula jirtay Qaramada Midoobe iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, si looga fogaado wax is-dabamarin.

Amarkaan cusub ee maanta uu soo saaray madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa waxaa ka horeeyay amaro dhowr ah oo iyana u muuqday in lagaga fogaanayo musuq iyo wax is-dabamarin, waxaana kamid ahaa amarkii uu ku hakiyay in qarashaad lagala baxo Baanka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip