Khasaaraha ka dhadhay Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0
Wednesday January 16, 2019 - 21:28:17 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha ka dhadhay Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

    Qarax gaari ayaa galabta waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhashay gaari Qooqan ah oo qarax Miino la soo hoos ge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax gaari ayaa galabta waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhashay gaari Qooqan ah oo qarax Miino la soo hoos geliyay. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen in qaraxan uu ku dhintay Hal ruux oo gaariga saarnaa, islamarkaana uu burbur soo gaaray gaariga Qarxay. Ciidamada ammaanka oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sameeyay baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, balse ma aysan bixin faah faahin. Maalmo kahor ayaa qarax midkan oo kale waxa uu ka dhacay aagga galabta uu qaraxa ka dhacay, kaasi oo aan geysan khasaare. Qaraxan ayaa ku soo aaday xilli maanta ciidamada dowladda ay xireen wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip