Sawirro:-Wargeys Soo Bandhigay Sawiradda Maydadka Weerarkii Hotelka Dusit & Caro Ka Dhalatay

0
Wednesday January 16, 2019 - 21:06:38 in Wararka by
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Wargeys Soo Bandhigay Sawiradda Maydadka Weerarkii Hotelka Dusit & Caro Ka Dhalatay

    Dadka Kenyanka ee isticmaala Baraha Bulshadda waxay carro xooggan ka muujiyeen Wargeyska The New York Times oo soo daabacay sawiradda maydadka qaar ka mid ah dadkii ku geeiyooday Weerarka ka dhacayHotelka Dusit Complex ee ku yaalla Degmadda Westlands

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka Kenyanka ee isticmaala Baraha Bulshadda waxay carro xooggan ka muujiyeen Wargeyska The New York Times oo soo daabacay sawiradda maydadka qaar ka mid ah dadkii ku geeiyooday Weerarka ka dhacayHotelka Dusit Complex ee ku yaalla Degmadda Westlands ee magaalladda Nairobi. Sawirada waxaa ka mid muuqday maydad daadsan goob lagu qaxweeyo oo lagu magacaabo The Secret Garden Café, kuna dhex taalla dhismaha Hotelkaas. Qaar ka mid ah Dadka Kenyanka ee isticmaala Baraha Bulshadda, gaar ahaan Twitter-ka waxay ugu baaqeen Wargeyska NYT ee xaruntooda dhexe ku taalla Maraykanka inay tirtiraan sawiradda maydadka ay soo bandhigeen. Kimiko de Freytas-Tamura oo gabar Kenyan wax ku qorta Wargeyska NYT waxay ka codsatay dadka Kenyanka inay caradooda si toos ah ugu diraan qeybta Sawiradda ee Wargeyska (The Photo Desk) iyo Xarunta Dhexe ee Wargeyska New York Times.

 
Kimiko de Freytas-Tamura oo la sheegay in dhawaan laga dhigi doono Agaasimaha Xafiiska Wargeyskaasi ee Bariga Afrika waxay Barteeda Twitterka ku sheegtay inaysan iyada xulin sawiraddaasi, waxayna codsatay inay Kenyanka xanaaqooda la abaaraan Waaxda Sawiradda ee Wargeyska NYT.

Mar kale ayey Twitter-keeda ku soo qortay: "Anigoo ku hadlaya magaca 2nytimes iyo @nytphoto waxaan raalli-gelin ka bixinayaa xanaaqiina ka dhashay sawirada lagu soo daabacay Warbixinteenna. Mahadsanidiin”.

Dhinaca kale, Mid ka mid ah dadka Kenyanka oo Barta Twitterka ku soo gala cinwaanka @wgkantai waxa uu Madaxda Wargeyska NYT weydiiyey: Qiimaha uu iyagu u leeyahay inay soo daabacaan sawirada maydadka ee Nairobi ? iyo haddii ay soo daabici lahaayeen haddii uu weerarkaasi ka dhici lahaa magaalladda New York ?

Waxa uu sii raaciyey: "Ceeb ayey idiin tahay idinka iyo Wakaalladda Wararka AP oo soo qaaday Sawiradda maydadkaasi.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip