Mooto Bajaajle lagu toogtay Muqdisho

0
Wednesday January 16, 2019 - 20:51:01 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooto Bajaajle lagu toogtay Muqdisho

    wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajtaayaa Maanta Waxaa Toogtay Nin ka Tirsanaa Askari Ciidanka dowladda waxaana falkaas toogashada ah uu ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho wararka ayaa sheegaya in i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajtaayaa Maanta Waxaa Toogtay Nin ka Tirsanaa Askari Ciidanka dowladda waxaana falkaas toogashada ah uu ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho wararka ayaa sheegaya in intuusan toogan ka hor uu muran dhex maray sida dad goob joogayaal ahi ay warbaahinta qar u sheegeen askariga iyo wada mota bajaajka kaasoo ay ku sheegeen in askarigu uu ku yiri i qaad wiilkana uu ka dhaga adeygay kadibana askarigii Wiilka ouu la beegsaday Rasaas taasoo kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ka dibna darawalkii bajaajlaha ahaa uu isla gobtii ku geeriyooday halka wararku sheegaayaan inuu askarigii isla goobta ka baxsaday.

dhinaca kale  dadka degaanka ayaa inoo sheegay  ciidmao halkaa gaaray ay ka qaadeen meydka darawalka iyadoo  askariga toogto wiilka uu baxsaday

Dilkaan wiilkaan dhalinyaro ah ayaa imaaneysa xilli maanta ay xiran yihiin qeybo ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka sidaasi waxaa ku cataabyey dadka reydka ah ee falkaas la kulmeen xilliga ay dhacayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip